Itoobiya:-Orod-yahanka Caanka Ah Mo Farah Oo Lacag Badan Lagaga Dhacay Dalka Itoobiya

0
Thursday April 25, 2019 - 10:27:18 in by salman abdi
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya:-Orod-yahanka Caanka Ah Mo Farah Oo Lacag Badan Lagaga Dhacay Dalka Itoobiya

    Itoobiya:-Orod-yahanka Caanka Ah Mo Farah Oo Lacag Badan Lagaga Dhacay Dalka Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Itoobiya:-Orod-yahanka Caanka Ah Mo Farah Oo Lacag Badan Lagaga Dhacay Dalka Itoobiya

Orod-yahanka Calaamiga ee Mo Farah ayaa sheegay in dhac xooggan loogu geystay qolkii uu ka degganaa Hotelka Yaya Africa Athletics Village oo ku yaalla caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Abeba, wuxuuna sheegay in la jabsaday shandadiisa xilli uu ku maqnaa Tababar Laylin Orod.

Mo Farah oo ah dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland caan ku ah Orodada Marathon-ka ayaa sheegay in laga dhacay lacag dhan 2,500 oo Giniga Ingiriiska, 11,850 Dirhamka Imaaraadaka, 2 Mobayl iyo Sacaad Qiimo weyn leh oo ay xaaskiisa haddiyad ahaan u siisay.

Waxa uu xusay in dhaca loo geystay Shandadiisa taallay qolka uu ka degganaa Hotelka ay ahayd bishii March ee la soo dhafaay 23-da, xilli uu ku maqnaa Tababar dhinaac Orodka.

Dhinaca kale, Mo Farah waxa uu cambaareeyey Orod-yahanka Ethiopian-ka, Haile Gebreselassie oo ay isla degganaayeen Hotelka dhaca loogu geystay, wuxuuna xusay inuu Orod-yahanka Ethiopianka ku guul-daraystay inuu isaga caawiyo, kadib markii dhaca loogu geystay Hotelka Yaya Africa Athletics Village oo ay Ethiopian leeyihiin.

Mo Fraah waxa uu tilmaamay inuu taageero kooban ka helay Shaqaalaha Hoteelka, wuxuuna xusay in aanu Haile Gebreselassie marnaba ka taageerin dhaca loo geystay.

Dhinaca kale, mar lala xidhiidhay Milkiilayaasha Hotelka lagu dhacay Mo Fraah waxay ka gaabsadeen inay ka jawaabaan Telefoonadooda, si wax looga weydiiyo falka lagu dhacay mid ka mid ah Macaamiisha Hoteelkooda.