Hargeisa:-Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Siyaasadeed Ee Dalku Ku Jiro.

0
Thursday April 25, 2019 - 14:22:43 in by salman abdi
  • Visits: 20
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Siyaasadeed Ee Dalku Ku Jiro.

    Hargeisa:-Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Siyaasadeed Ee Dalku Ku Jiro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Siyaasadeed Ee Dalku Ku Jiro.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka, waxaanu ku taliyey in wax walba oo la isku hayo in xal iyo heshiis laga gaadoh, xilli Xisbiyada Qaranku ay Siyaasad ahaan aad u kala fogaadeen.

 

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay maceeshada qaaliga ah, qiimaha sarifka ee hoos u dhacay iyo abaaraha, waxaanu ugu horeyn yidhi "30 sanno in ku dhaw inaynu ahayn dal madax banaan, oo iskii u taagan, muddadaas aynu jirnay, waxaynu qabsanay, qaabka aynu uga soo gudubnay duruufihii iyo marxaladihii adkaa Caalamku aad buu ugu bogay, waxaana kale oo aad loogu riyaaqay qaabka aynu uga gudubnay nidaamkii qabaliga ahaa, ee aynu ugu gudubnay nidaamka dimuqraadiga iyo axsaabta badan, waxaa kale oo aad looga dharagsan yahay kala dambaynta, Dawladnimada, Dimuqraadiyada iyo qaabka wacan ee aynu u qabsanay Doorashooyinka,markaas waa in wada tashi iyo wanaag aynu ku xalinaa dhib kasta oo inala soo gudboonada,si aynu uga fogaano wax kasta oo qarankeena, dadkeena iyo dalkeena dhib ku keenaya, waana inaynu ka dheerano wax kasta oo dhaawac siyaasadeed inagu keenaya, waxaan aan xal lahayna ma jiro, ee wax kasta oo la isku hayo aynu xal uga gaadhno sida ugu haboon”.

 

 

 

Mar uu ka hadlaayey Maceeshada iyo Sarifka ayaa yidhi "Qiimihii Sarifka ee Lacagta Doolarku inay jabto aad iyo aad baan u soo dhaweeynayaa, si uu Shilinkeenu wax tar u yeesho,isticmaalka Shilinkeenuna waa mid loo baahan yahay oo muhiim cid kasta u leh, laakiin in iyada oo sarifkii inoo jabay in maceeshadii wali qaali tahay looma baahna, mana wanaagsana, ee waa in Maceeshada la jabiyaa, Ganacstaduna waa inay dadkooda danyarta ah u naxaan, una naxariistaan, marka ay maceeshada u jabiyaan ALLENA ayaa iyana u barakeeynaya ganacsigooda, waxaana muhiim ah in la isku saleeyo qiimaha sarifka iyo qiimaha maceeshad,a si ay iskula jaanqaadan, laakiin maaha in dadka wax lagaga iibiyo qiimihii hore ee sarifka lacagta doolarku halku maraayey”.

 

 

 

 

Mar uu ka hadlaayey Abaaraha ayaa yidhi "Wax walba qadarka ALLE ayey ku dhacaan, inaguna dabcan waxaynu nahay dad islaam ah, oo ALLE ayaa inaga dihgay muslimiin ah, oo diinta qudha ee xaqa ah haysta, mar walbana ALLE waxaynu ka baryeynayaa naxariistiisa, nimcadiisa, raxmadiisa, waxaana la inooga baahan yahay inaynu mar walba ALLE ku xamdino, oo shugrigiisa, mahadnaqiisa iyo cabsidiisa aynu badino, abaaraha soo noq-noqdana ALLE waxaynu ka baryeynaa inuu inaga dulqaado, oo uu roobkiisa inoo khayr qaba inoo shubo, laakiin maaha inaynu ku baraaruugno oo qudha marka ay abaaruhu yimaadan, ee waa inaynu la nidaamna siyaasad iyo qorshe ku talagala, oo aynu kaga sii baaran-degayno abaaraha soo noqnoqda, ALLE inooma keeno mar kale, waxaa la inooga baahan yahay inaynu ka sii digtoonano abaaraha, oo aynu sameeysano Biyo xidheeno, iyo Dhamaam, oo aynu ka sameeysano Gobolada, Magalooyiinka iyo Deegaanada kale duwan ee dalka, iyada oo aan cid kale ama Wadan kale inaga caawin ayeyna sameeysan karnaa, tusaale ahaan qof walba wixii karaankiisa ah ayuu bixinaya, waxaana hubaal ah haddii qorshahan aynu ku dhaqaaqno inaynu wax badan qabsanayno”.