Gabadh Soomaliyada Oo Noqotay Qafkii Ugu Horeeyay Ee Wadanka Norway Ka Hesha Biladda Oslo.

0
Saturday October 04, 2014 - 21:26:22 in by salman abdi
  • Visits: 1073
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh Soomaliyada Oo Noqotay Qafkii Ugu Horeeyay Ee Wadanka Norway Ka Hesha Biladda Oslo.

    Safiya Cabdi Xaase oo Soomaali ah, ayaa noqtay qofkii ugu horeeyay oo Afrikan ah oo lagu abaal mariyo doorkiisa hawled, gudaha Norwey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiya Cabdi Xaase oo Soomaali ah, ayaa noqtay qofkii ugu horeeyay oo Afrikan ah oo lagu abaal mariyo doorkiisa hawled, gudaha Norwey.


Waxaa la siiyay abaalmarinta St. Olav, taas oo ay ku muteysatay shaqadeeda iyo ololeheeda ka dhanka ah gudniinka fircooniga ah.

Safiya Cabdi Xaase, ayaa heshay billadda mudnaanta ee boqortooyada ay bixiso taas oo lagu gudoonsiiyay gurriga boqortooyada ee Oslo.

Safiya ayaa ololahan bilawday kaddib markii iyada nafteeda ay la kulantay xadgudubyo iyo xittaa dhibaatada Gudniinka Fircooniga ah.

Waxay Soomaaliya ka qaxday 1992, oo ay gaadhay dalkan Norway xilligaas oo ay la socdeen seddax hablood oo ay dhashay.

Waxay BBC u sheegtay in ololeheedan oo ka imaanaya si toos ah waxa iyadu ay khibradda u leedahay.

Markii ay Soomaaliya ku nooleyd, maysan lahayn cilmi. Balse gudaha Norwey, waxay wax barashada ka bilowday dugsiyada hoose dhexe iyo sare, kaddibna waxay qaadatay shahaado jaamacadeed oo kalkaaliye caafimaad ah.



Contact@afkashacabka.com