Warbaahinta Masar Maxay ka Tidhi Booqashadii Wasiir Ku-xigeenkooda Arrimaha Dibaddu ku Yimid Somaliland

0
Friday May 10, 2019 - 10:38:12 in by salman abdi
  • Visits: 411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbaahinta Masar Maxay ka Tidhi Booqashadii Wasiir Ku-xigeenkooda Arrimaha Dibaddu ku Yimid Somaliland

    Warbaahinta Masar Maxay ka Tidhi Booqashadii Wasiir Ku-xigeenkooda Arrimaha Dibaddu ku Yimid Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta Masar Maxay ka Tidhi Booqashadii Wasiir Ku-xigeenkooda Arrimaha Dibaddu ku Yimid Somaliland Warbaahinta Masaarida ayaa ka warantay socdaalkii Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha dibadda Masar u qaabilsan Afrika

Hamdy Sanad Loza uu ku tagay Somaliland iyo Kulamadii uu la yeeshay madaxda kala duwan ee JSL.

Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) ayaa soo xigatay Egyptian Today oo baahisay socdaalka Wasiir ku-xigeenka Arrimaha DibaddaMasaarida,waxaanay warkii ay ka qortay u dhignaa sidan:-


"Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Masar u qaabilsan Afrika, Hamdy Sanad Loza, ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dhinac.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi ayaa sheegay inay danaynayaaninay adkeeyaaniskaashiga ay la leeyihiin Masar gaar ahaan dhinacyada Xoolaha, Kalluumasiga, Beeraha, Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda MasarMr. amdy Sanad Loza ayaa sheegay in booqashadiisa Somaliland ay ka dhalataySiyaasadda Masar ay ku doonayso inay kor ugu qaado kaalinta ay ku leedahay Gobolka Geeska Afrika.

MuddadiiMr. Lozauu booqashada ku joogay Somaliland wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Kalluumaysiga.

 

Egptian Todaywaxay intaas ku dartay in Wasiir Ku-xigeenka Masaaraddu uu booqday Jaamacadda Hargeysa oo ay falanqeeyeen sida ay isku weydaarsan karaan khubarrada iyoTababarrada. Sidoo kalena wuxuula kulmay bulshada reer Masar ee ku sugan Somaliland.

Geesta kalena Wakaallada Wararka Masar ayaa daabacday warbixin ay kaga hadleen booqashada Wasiir Ku-xigeenkooda Arrimaha Dibaddu ku tagay Jamhuuriyadda Somaliland.