Waxaan Ahay Dhinte Hadana Nool W/Q Maxamed Andar

0
Saturday May 11, 2019 - 12:14:05 in by Hargeysa Office
  • Visits: 4726
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaan Ahay Dhinte Hadana Nool W/Q Maxamed Andar

    Uqaadanwaa ayay igu tahay inaaan wali noolahay se qofkii ay tiisu dhamaato ayuunbaa dhinta alle (SW) Ayaa mahad oo dhan iska leh iga badbaadiyay inaan soo hubsado gacan ciidan ama shaqsi ka mida ciidanka qaranka somaliland, walaw aan noolahay hadana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Uqaadanwaa ayay igu tahay inaaan wali noolahay se qofkii ay tiisu dhamaato ayuunbaa dhinta alle (SW) Ayaa mahad oo dhan iska leh iga badbaadiyay inaan soo hubsado gacan ciidan ama shaqsi ka mida ciidanka qaranka somaliland, walaw aan noolahay hadana wali waxaa qalbigayga iyo maskaxdayda ka guuxaysa dhawaqii xabadii ku sigatay inay dhagtayda goosato.



waxaa maankayga ku sawiran xabadii aan ka foorar saday ee sida tooska ah layla beegsaday, haa waan noolahay, laakiin wali waan rumaysan kari la.ahay ilaahay ayaana mahad oo dhan iska leh.

waxaan xasuustaa askari hortayda taagan oo qori igu haya isla markaana cabaynaya, waan foorar saday waxan ku wer helay dhawaqa xabada iyo olalka dhagtayda ka baxay, waxan aaminay inay xabadu igu dhacday intaa wixii ka danbeeyayna waxaan noqday qof khalkhalay oo marxaladii caadinimo ka baxay, waxaa humaaag iyo sawir ahaan iigu muuqda askariga oo qoriga ila daba cararaya iyo aniga oo qaylinaya gacmahana kor utaagaya, waxa kale oo si humaaga iigu muuqda dadbadan oo igu xoonsan oo qaarkood ay ilmaynayeen.

waxaan baraarugay oo aan iska warhelay aniga oo jooga saldhiga dhexe ee hargeisa, agatydana ay fadhiyaan sadex ka mida asxaabtayda oo iyagu ka damqaday xabada laygu riday lana soo xidhay, ma garanayo goortan halkan imi iyo cida ikeentay midna, markiiba maskaxdaydu waxay dib usawiratay xabdii sida tooska laygu riday ee sababi gaadhay dhimashadayda.

waxaan kaan tarooli kari waayay ilinta indhahayga ka qubanaysa, taliyaha saldhiga ayaan ushegay inaanan dhegta bidix waxba ka maqlayn oo xabad si toosa laygu riday, hayeeshee wuxuu iigu jawaabay cay iyo inuu aflagaadeeyo waalidkay, waxaan toos u garwaaqsaday inaan dhex fadhiyo madasha madawga iyo cadaalad darada waxaaanan naftayda qanaaco uga dhigay inaan jeelka anigu hore usii galo, ha yeeshe shaqsiyad ka mida inamada gacanta ku haya tartanka warbahinta ayaa ciidamadii boliska ku qanciyay inaan anagu khaldanahay isla markaana uu saxsanaa askariga qoriga riday, ka warbaahin ahaana ay arinta dhamaysanayaaan, walaw ay idamaqday hadalada ay ku hadlayeen, hadana toodu ima sarayso oo waa inamo sita magaca warbahinta macaash iyo lacagna ka dayaya tartankan socda,

markale waxaan ciidamadii u sheegay inaan dacwad qabo, hayeeshee hanjabaad kulul iyo karoox ayaa igu dhacay, qanci maayo, saamixina maayo shaqsiga xabada igu riday waxaaaan eegayaa sharciga dalkayga aan jecelahay bal inta uu gaadhsiisanyahay, laba miduun. waxaan ka mid noqon boqolaalka gefedka iyo dulmiga laga galay ee sharcigu waxba uqaban waayay, godobta iyo calool xumadana uhaya dadka gacanta ku haya maamulka somaliland, sharciga dalkana ku sifeeya madaw aan iftiin lahayn ama waxa aan noqon qof sharcigu xaqiiisa siiiyo marag iyo markhaatina laga yahay.

Alle ayaa mahad leh iga badbaadiyay inaan ku baxo gacan bili aadan.