Masar: Weerar Lala Beegsaday Dal-xiisayaal marayay agagaarka magaalada Giza

0
Monday May 20, 2019 - 13:15:41 in by salman abdi
  • Visits: 375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masar: Weerar Lala Beegsaday Dal-xiisayaal marayay agagaarka magaalada Giza

    Khasaare ka Dhashay Weerar Lala Beegsaday Dal-xiisayaal marayay agagaarka magaalada Giza

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaare ka Dhashay Weerar Lala Beegsaday Dal-xiisayaal marayay agagaarka magaalada Giza

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii qarax xooggan lala beegsaday gaadhi Bus oo marayay agagaarka magaalada Giza, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowlada Masar.

Saraakiisha amniga ayaa wakaalada wararka ee Reuters u xaqiijiyay dhaawaca soo gaadhay Dalxiisayaashaan.


Muuqaalo la soo dhigay baraha Bulshada ayaa muujinaya ruux dhaawac qaba oo dhiig badan ka qubanayo.


Weerarkaan ayaa imaanaya iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay iska yareyd dadka dalxiisayaasha ah ee imaanaya dalka Masar.


Dalxiiska oo dhaqaalo fara badan ay ka sameyso xukuumada Qaahira ayaa waxaa saameyay weeraro lagu qaaday dadka ajnabiga ah tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweyne Xusni Mubaarak sanadkii 2011-dii.


Weerarkaan ayaa sidoo kale noqonaya midkii labaad oo mudo ka yar lix bilood lagu qaado gaari ay la socdaan dad dalxiisayaasha ku sugan Masar.