Ciidanka Booliiska Somaliland iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa olole baadhitaan ku qaaday guryihii ay deggenayd gabadhi dilka foosha xun ka geysatay caasimadda

0
Tuesday March 04, 2014 - 11:26:50 in by Super Admin
  • Visits: 1235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Booliiska Somaliland iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa olole baadhitaan ku qaaday guryihii ay deggenayd gabadhi dilka foosha xun ka geysatay caasimadda

    iyadoo baadi goob xooggan loo galay laba Haween ah oo horea loo waayey oo loo tuhunsanyahay inay falkan oo kale ku samaysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyadoo baadi goob xooggan loo galay laba Haween ah oo horea loo waayey oo loo tuhunsanyahay inay falkan oo kale ku samaysay

Ciidanka Booliiska Somaliland iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa bilaabay baadi goobka laba Haween ah oo ka mid ahaa Dumarkii mashruucii jiif oo jaqda ahaa ka kacay kuwaas oo muuqooda la waayey markii mashruucaasi fashilmay.

godka-lagu-aasay-gabadha-tile-258x193

Hawl-galkan Booliiska iyo dawladda Hoose wada fulinayaan ayaa lagu baadhayaa guryo badan oo ay ka soo guurtay Gabadha Gurigeeda laga helay Meydka Haweenay lagu Eedaynayo inta ay dishay in ay God dheer oo guriga ku dhex yaala ku xabaashay, waxaanay arrintani keentay in kuwo hore oo la la’aa imika lagu dhiirado in aadhitaan lagu sameeyo.

 

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Mawliid waris C/laahi oo waaheen wax ka weydiisay baadhitaanka socda iyo halka uu marayo ayaa sheegay Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Booliisku in ay iska kaashanayaan hawl-galkan, isagoo sheegay in guryo badan oo ay gabadhani ka soo guurtay baadhitaanka laga fulinayo.

 

Mawiid Waris waxa uu sheegay Booliisku in ay ka dalbadeen Dawladda Hoose in ay kala shaqeeyaan hawshan maadaama Dawladda Hoose leedahay dad farsamoyaqaano ah kuwaas oo ka qayb qaadan doona helitaan Guryaha iyo qodistoodaba.

 

Xoghayaha Dawladda Hoose waxa uu Waaheen u sheegay in illaa hada aanay jirin caga cagafyo la galiyey Guryaha ay haweenaydani gali jirtay, balse ay jraan farsamooyin kale oo ay dawlad Hoose ahaan ku baadhayaan guryahaasi.

Dhacdada gabadha la Dilay ayaa noqotay sheekadda ugu hadal haynta badan Dalka iyadoo warar ku tidhi ku teen ah oo la filay badhkood lagu mashquuliyey bulshada, hadana saamaynta ay yeelatay waa mid dadka Uur-kutaalo aan la ilaawi Karin ku reebtay, taasoo looga baahan yahay dadka wax ma garatada ah ee sheekadani buun buuninaya inaanay ku kicin falal deldelaad ah





Source: waaheen