
Mid Kamid ah Degmooyinka Ugu Waaweyn Magaalada Muqdisho Oo Noqotay Meel Habeenkiina Alshabaab Maamusho Maalintiina Dawlada Somaliya.
Degmada Hiliwaa oo kamid ah degmooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa noqotay degmo laba maamul kala yeelata habeenkii iyo maalintii,waxaanay wararku sheegayaan inay toddobaadyaddii ugu dambeeyey ee ina dhaafay halkaasi kusoo qul qulayeen ciidamo badan oo kamid ah ururka Alshabaab.
Dadka halkaasi ku sugan ayaa sheegay inay dhibaato ku qabaan labada maamul ee degmadaasi ,iyaga oo sheegay inay halkaasi maalmihii ugu dambeeyey soo gaadheen kooxo kamid ah ururka Alshabaab oo ka yimid goboladda lagaga awooda roonaaday.
Degmadan ayaa kamid ah degmooyinka ay aadka ugu xoogan yihiin ururka Alshabaab,sidoo kalena ay hore ugu xooganaayeen,taas oo keentay inay habeenkii ka taliyaan ,halka maalintiina ay dawlada Somaliya ka taliso,waxaanay dadka degaankaasi sheegeen inay cabsi badan ka qabaan ururkan kusoo qul qulaaya degmadan.
Imaatinka ururka Alshabaab ee degmadaasi ayaa imanaaya iyada oo gobolo badan oo dalkaasi ah laga qabsaday ,gaar ahaana magaalooyinkii ay aadka ugu xooganaayeen oo ay ugu dambaysay magaalada Baraawe oo ahayd meel ay aad u joogeen kana heli jireen dhaqaale aad u badan.
Mid Kamid ah Degmooyinka Ugu Waaweyn Magaalada Muqdisho Oo Noqotay Meel Habeenkiina Alshabaab Maamusho Maalintiina Dawlada Somaliya.
Mid kamid ah degmooyinka ugu waaweyn magaalada Muqdisho ee caasimada u ah dalkaasi Somaliya ayaa la sheegayaa inay ururka Alshabaab u noqotay xaruntooda ugu weyn,taas oo keentay inay habeenkiina iyagu ka taliyaan maalintiina dawlada Somaliya ka tali