Galmudug oo sheegtay in ay soo bandhigi doonaan saanad ciidan oo ay ka furteen Al-shabaab

0
Sunday June 02, 2019 - 09:21:15 in by salman abdi
  • Visits: 454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug oo sheegtay in ay soo bandhigi doonaan saanad ciidan oo ay ka furteen Al-shabaab

    Galmudug oo sheegtay in ay soo bandhigi doonaan saanad ciidan oo ay ka furteen Al-shabaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Galmudug oo sheegtay in ay soo bandhigi doonaan saanad ciidan oo ay ka furteen Al-shabaab

Ciidamada dowlad maamul gobolleedka Galmudug oo saacadihii ugu danbeeyay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday gobolka Galguduud ayaa gaaray deegaanno ay horay gacanta ugu hayeen xoogagga Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada howlgalkan sameeyay Cabdullaahi Cabdi Raage ayaa sheegay in ciidamadu gaar ahaan howlgalkooda ka sameeyeen deegaanka Bulacle oo dhawaan la sheegay in ay tageen dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Wuxuu sheegtay taliyuhu in ay halkaa ugu tageen saanad ciidan oo sida uu hadalka u dhigay ay ka carareen xoogagga Al-shabaab dhawaanna warbaahinta u soo bandhigi doonaan.

Waxaa uu ugu baaqay dadka kunool degaanka Bulacle in aysan soo dhaweyn Al-Shabaab, islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidanka maamulka Galmudug.

Gobolka Galguduud qeybo ka mid ah waxaa wali maamula oo gacanta ku haya dagaalyahannada Ururka Al-shabaab.