War Deg Deg Ah:-Weerar lagu dilay ku dhawaad 100 ruux Iyo Cida Weerarka Soo Qaaday.

0
Tuesday June 11, 2019 - 10:02:01 in by salman abdi
  • Visits: 387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:-Weerar lagu dilay ku dhawaad 100 ruux Iyo Cida Weerarka Soo Qaaday.

    War Deg Deg Ah:-Weerar lagu dilay ku dhawaad 100 ruux Iyo Cida Weerarka Soo Qaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:-Weerar lagu dilay ku dhawaad 100 ruux Iyo Cida Weerarka Soo Qaaday.

Ku dhawaad boqol qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay tuulo ku taalla bartamaha dalka Mali Isniintii, sida ay sheegeen mas’uuliyiin.

Ma jirin cid si deg deg ah u sheegatay mas’uuloyadda xasuuqaasi lala bartilmaameedsaday dadka deggan tuulada, gaar ahaan bulshada Dogon.

Dagaallo u dhaxeeya qowmiyadaha dega halkaasi ayay boqollaal qof hore ugu dhinteen.

Waxa uu weerarkaasi imaanaya wax ka yar 3 bil, kadib markii koox la sheegey inay ka tirsanaayeen qowmiyadda Dogon ay dileen 160 qof oo ka tirsan qowmiyadda Fulani.

Madaxweynaha Mali Ibraahim Baabakar Keyta, ayaa sheegey in waddankiisu aanu hoggaamin kareyn weeraro aargoosi iyo ciil isku heyn.

Hadalkaasi ayuu ka sheegey dalka Switzeland, oo uu booqnayo, waxana la filaya in uu booqashadiisa uu so gaabiyo.

Waxa uu dadka reer Mali ugu yeerey inay isku yimaaddaan oo ay ogolaadaan in dalka uu samatabaxo, waayo buu yiri, "tani waa calaamad su’aal la xiriirta samatabax.”

Saraakiil ku sugan degmada Koundou ayaa u sheegey wakaaladda AFP in tuulada Sobane-Kou ay soo weerareen koox hubeysan, ayna halkaasi ku dileen 95 qof. 19 qof ayay dowladdu sheegeysaa in sidoo kale la la’ yahay.