Raysal Wasaaraha Itoobiya Iyo Hogaamiyaha Ciidamada Suudaan Oo Khadka Telefanka Ku Wada Hadlay+Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

0
Tuesday June 11, 2019 - 16:21:33 in by salman abdi
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Iyo Hogaamiyaha Ciidamada Suudaan Oo Khadka Telefanka Ku Wada Hadlay+Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Iyo Hogaamiyaha Ciidamada Suudaan Oo Khadka Telefanka Ku Wada Hadlay+Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Iyo Hogaamiyaha Ciidamada Suudaan Oo Khadka Telefanka Ku Wada Hadlay+Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa khdka telefanka kula hadlay madaxa ciidamada dalka Suudaan Gen Abdel Fattah al-Burhan kaas oo gacanta ku haya awooda dalkaasi.


 


 

Sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii looga gudbi lahaa xaalada haatan ka taagan dalka Suudaan iyaga oo falanqeeyey hababka loo mari karo in deganaan lagu talaabsado.


Warka ayaa intaas ku daray in labada dhinac ay isla soo qaadeen rajada ay ka qabaan in xaalada hada taagan lagaga gudbo hab nabdoon oo aan wax khal khal ah galin dalka Suudaan.


Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa hore wada hadal ula yeeshay hogaamiyaha ciidamada Suudaan ee gacanta ku haya awooda dalkaasi iyo xoogaga xoriyada iyo isbadal doonka ee dalka Suudaan, kuwaas oo uu jimcihii kala hadlay deganaanshaha dalkaasi.


Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa intii uu ku guda jiray wada hadalkii uu la yeeshay dhinacyada suudaan waxa uu hoosta ka xariiqay nabada dalka Suudaan iyo sidii isku duubni loogu soo celin lahaa.


Dhinaca kale golaha amaanka ee midawga Afrika ayaawadanka Suudaan xayiraad ka saaray inuu ka qayb galo dhamaan hawlaha kala duwan ee ururkaasi.