Deg DegDawladda Soomaaliya Oo Xil U Magacawday Fannaanka Caanka Ah Oo Ka Soo Jeeda Somaliland Iyo Magaca Fanaanka.

0
Tuesday June 11, 2019 - 16:36:55 in by salman abdi
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg DegDawladda Soomaaliya Oo Xil U Magacawday Fannaanka Caanka Ah Oo Ka Soo Jeeda Somaliland Iyo Magaca Fanaanka.

    Deg DegDawladda Soomaaliya Oo Xil U Magacawday Fannaanka Caanka Ah Oo Ka Soo Jeeda Somaliland Iyo Magaca Fanaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deg DegDawladda Soomaaliya Oo Xil U Magacawday Fannaanka Caanka Ah Oo Ka Soo Jeeda Somaliland Iyo Magaca Fanaanka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa u magacaabay fanaanka caanka ah Nimcaan Cabdirahmaan Hassan (Hilaac) Agaasimaha wax soo-saarka iyo Howl-galinta Hobolada Qaranka Waabari.

Nimcaan Cabdirahmaan Hassan (Hilaac) ayaa deegaan ahaan wuxuu kasoo jeeda Somaliland gaar ahaan magaalada Boorame ee Gobolka Awdal, waxaana xusid mudan inuu dhowr mar cadaadis kala kulmay xukuumadda Somaliland, iyadoona xitaa gurigiisa magaalada Boorama lagu weeraray.

Wasiirka warfaafinta, ayaa isla wareegtadan xilkii Agaasinnimo kaga qaaday Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi, Maxamed Xasan Barrow.

Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi ayaa loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee arrimaha horumarinta Fanka iyo isku xidhka Kooxaha heer Qaran.