Maamulka Puntland Oo Shaaciyey Saraakiil Ka Tirsan Hay'addo Caalami Ah Oo Dalka Laga Saaray Iyo Sababta Keentay

0
Tuesday June 11, 2019 - 16:45:03 in by salman abdi
  • Visits: 361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland Oo Shaaciyey Saraakiil Ka Tirsan Hay'addo Caalami Ah Oo Dalka Laga Saaray Iyo Sababta Keentay

    Maamulka Puntland Oo Shaaciyey Saraakiil Ka Tirsan Hay'addo Caalami Ah Oo Dalka Laga Saaray Iyo Sababta Keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland Oo Shaaciyey Saraakiil Ka Tirsan Hay'addo Caalami Ah Oo Dalka Laga Saaray Iyo Sababta Keentay

Maamul goboleedka soomaaliya ee Puntland ayaa eryey qaar ka mid ah saraakiisha ka hawl gasha hay’adda caalamiga ah.

Amar ka soo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegayin dalka laga saaray laba sarkaal oo ka hawl galayey hay’addaha World Visio iyo Relief International kuwaas oo mashaariic kala duwan ka fuliya deegaanada maamulkaasi.



Sida lagu sheegay warka ka soo baxay maamulka Puntland saraakiisha oo kala ah Napoleon Phiri oo ahaa madaxa xafiiska hay’adda World Vision ee Puntland iyo Nelson oo ahaa ku xigeenka ku madaxa hawl galada ee hay’adda Relief International ayaa lagu eedeyeey falal la xidhiidha musuq maasuq iyo sharci jabin.


Sarkaalka madaxda ka ahaa xafiiska hay’adda World Vision ee maamulka Puntland Napoleon Phiri ayaa lagu eedeeyey inuu sameeyey falal musuq maasuq isla markaana uu ku xad gudbay nidaamka shaqaalaysiinta taas oo keentay in maamulka Puntland uu talaabadan qaado.


NELSON oo isna katirsanaa Hay’ada Relief International ayaa lagu eedeeyay inuu iska indho tiray shuruucda wadanka sida Ruqsadda ogolaanshiyaha shaqo ee dalka iyo fiisaha uu dalka ku joogo.