Khartuum:Milatariga Suudaan "oo ka shalaayay khalad" uu dibad baxayaasha ku sameeyay

0
Friday June 14, 2019 - 11:35:20 in by salman abdi
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khartuum:Milatariga Suudaan "oo ka shalaayay khalad" uu dibad baxayaasha ku sameeyay

    Khartuum:Milatariga Suudaan "oo ka shalaayay khalad" uu dibad baxayaasha ku sameeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khartuum:Milatariga Suudaan "oo ka shalaayay khalad" uu dibad baxayaasha ku sameeyay
  1. Suudaan
    Copyright: EPA

    Ka dib toban maalmood oo si isa soo taraysa loo cambaaraynayay hoggaamiyeyaasha milatariga Suudaan ayaa sheegay "in ay ka xun yihiin khaladkii ka dhacay” intii ay wadeen hawlgalka ay ku sifaynayeen mudaaharaadayaasha fariisinka samaystay.

    Balse waxay u muuqataa in shalaytadaasi aysan gaarsiisnayn heer ay ku ogolaan karaan in la sameeyo baaritaan caalami ah oo madax bannaan.

    Taas badalkeedana milatarigu wuxuu sheegay in ay soo bandhigi doonaan baaritaan ay si madax bannaan u sameeyeen, isla markaasna ay xireen qaar ka mid ah askarta.

    Mucaaradka iyo qaar badan oo ka mid ah beesha caalamka ayaa ka shakisan in wax la qarinayo.

    Waxaa jira dadaalo dublamaasiyadeed oo ay ku lugleeyihiin Maraykanka iyo Midawga Africa si loo gaaro xal siyaasadeed awooddana loogu wareejiyo xukuumad rayid ah.

  2. Post update

    Kulanti wanaagsan akhyaarta halkan naga daalacataay kuna soo dhawaada tabinta tooska ah een ku samaynayno wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka.

    Waa maalin Jimce ah oo taariikhdu tahay 14 bisha Juunyo sannadka 2019.

  3.  
  4. Xildhibaannada haweenka ah oo caro awgeed uga baxay Baarlamaanka Kenya oo kulan xasaasi ah leh

    .
    Copyright: NATION MEDIA GROUP
    Image caption: Baarlamaanka Kenya

    Dhammaan xildhibaannada dumarka ah ee ku jira Baarlamaanka Kenya ayaa maanta isaga baxay aqalka, iyadoo uu socday kulan muhiim ah oo ku saabsan miisaaniyad sanadeedka dalka.

    Tallaabadan ayey mudanayaasha ku muujinayeen carada ay ka qaadeen weerar gacan qaad ah oo maanta loo geystay haweeneyda baarlamaanka u matashada Dumarka ismaamulka Wajeer Faadumo Geeddi.

    Falka lagu weeraray xildhibaanadda ayaa lagu eedeeyay mudane kale oo ka tirsan baarlamaanka, oo isagana laga soo doortay Wajeer.

    Rashid Amin, oo ah xildhibaanka bariga Wajeer ayaa lagu eedeeyay inuu Faadumo Geeddi ugu gacan qaaday dhismaha baarlamaanka gudihiisa.

    Wararka ayaa sheegaya in Mr Amin uu xildhibaan Faadumo ku eedeeyay inaysan deegaankiisa wax dhaqaale ah u qoondeynin, maadaama ay ka mid tahay guddiga miisaaniyadda ee Baarlamaanka.