Madaxweyne siilaanyo iyo xukuumaddiisu maxay uga dan leeyihiin taageerada aan gabashada lahayn iyo dhaqaalaha ay gacanta u geliyaan dhowrka qof ee SONYO horjooga.

0
Tuesday March 04, 2014 - 13:07:35 in by Super Admin
  • Visits: 1111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne siilaanyo iyo xukuumaddiisu maxay uga dan leeyihiin taageerada aan gabashada lahayn iyo dhaqaalaha ay gacanta u geliyaan dhowrka qof ee SONYO horjooga.

    Waxan soo jeedin lahaa in dhalinyarada la gacan qabto oo loo sameeyo meel ay u siman yihin oo dallado kale oo SONYO la tartama oo la dhiirigeliyo la abuuro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan soo jeedin lahaa in dhalinyarada la gacan qabto oo loo sameeyo meel ay u siman yihin oo dallado kale oo SONYO la tartama oo la dhiirigeliyo la abuuro

Madaxweyne siilaanyo iyo xukuumaddiisu maxay uga dan leeyihiin taageerada aan gabashada lahayn iyo dhaqaalaha ay gacanta u geliyaan dhowrka qof ee SONYO horjooga.

Tan iyo intii xukuumadda madaxweyne siilaanyo talada la awareegtay waxa si cad u soo baxay taageero aan gabasho lahayn oo ay siiso koox faro ku tiris ah oo ku qadhaabata magaca dhalinyarada Somaliland, kooxdaas oo adduun iyo dhul ba lagu siiyo magaca dhalinyarada baaxada leh ee qarankan Somaliland, kooxdaas ma jirto cid la xisaabtanta oo weydiisa su’aalahan:

Maxaa dhalinyarada u qabateen 11 sanno oo magaca sonyo laga maqlayey gudaha  caasimadda Somaliland ee hargeysa.

Maxaa dhalinyarada ugu qabateen dhaqaalaha aan xaddiga lahayn ee aad magacooda uga qaadataan hay’adaha caalamiga, iy dawladda Somaliland.

Maxaase idiinka meel yaala camal la’aanta dhalinyarada iyo dhiirigelin la’aanta da’yarta.

Waxaan filayaa haddii ay jiri lahayd cid su’alahaas la daba taagnaata inay noqon lahayd dallad mansabka ay doonatay si sax ah ugu shaqaysa, haaddiise ay noqoto mid aan cidi ba ka daba hadal waxay noqon doonta sida ay haddaba tahay ee ah in lacag la iska gurto dhowr qof na ku shaqaystaan magaca da’yarta oo safaro xattaa  debedda ah kugalaan iyo dalxiis.

Waxa caqliga saliimka ahi is weydiinaya mar walba oo uu arko sida xukuumaddani ugu darban tahay dhowrkan qof eek u shaqaysta magaca dhalinyarada Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu maxay uga dan leeyihiin taageerada aan gabashada lahayn iyo dhaqaalaha ay gacanta u geliyaan dhowrka qof ee SONYO horjooga. Waxana weli loo la’yahay wax jawaab ah su’aashaas ka guuxaysa maskaxda dhalinyarada.

Waxan soo jeedin lahaa in dhalinyarada la gacan qabto oo loo sameeyo meel ay u siman yihin oo dallado kale oo SONYO la tartama oo la dhiirigeliyo  la abuuro, oo dhalinyarada lagu mashquuliyo inay iyagu wax qabsadan bulshadana wax u qabtaan, maaha in dhalinyarada loo aqoonsado in dallad keliiya iyo 2 toona ka wakiil noqon karto, waana in SONYO mar walba hadday doontaa kalsoonida dhalinyarada , waa haddii ay si daacad ah is leedahay wax u wad, haddii kalena sidaa ay ku jiraan ilaahayna wuu kala xisaaabtami dhowrka qof ee isku bed bedela hogaanka ee isku reer hargeysada ah, mustaqbalkoodiina way iskaga ciyaareen

 

Ali ismail jama

Burao/somaliland