Kaamarooyin Tuugada Aqoonsada Oo Lasoo Saaray

0
Saturday June 22, 2019 - 09:31:24 in by salman abdi
  • Visits: 361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaamarooyin Tuugada Aqoonsada Oo Lasoo Saaray

    Kaamarooyin Tuugada Aqoonsada Oo Lasoo Saaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaamarooyin Tuugada Aqoonsada Oo Lasoo Saaray Maamulka dukaanka weyn ee alaabada kala duwan laga helo ee Maraykanka kuyaal ee Walmart ayaa xaqiijiyey

in ay adeegsanayaan kaamarooyin aqoonsada hummaagyada, si tuugada looga hortago.

 

Kaamarooyinkan ayaa lagu garan karaa alaabta lagu rito dambiisha lagu dukaamaysto ee qofka maqal hayaha ahi aanu iskaanka marin, ama aan la xaqiijin.

 

Walmart ayaa wargayska Business Insider u sheegay in tiknoolajiyaddan cusub loo adeegsan doono dukaamo ka badan 1,000 dukaan.

 

Shirkadda ayaa sheegtay in "maalgalintaan ay u samaysay si loo hubiyo ammaanka dadka macaamiisha u ah".

Barnaamijkan, oo lagu magacaabo Missed Scan Detection by Walmart, ayaa adeegsanaya barnaamij ay bixisay sharikad Ireland laga leeyahay oo lagu magacaabo Everseen.

 

Kaamarooyinka ayaa dabagal ku samaynaya alaabada iyo dadka sita. Haddii alaabada qaar lagu guro boorso ama bac inta aan la iskaan garayn, qalabkaasi waxa uu awood u leeyahay in uu u yeero qof shaqaalaha ka mid ah si arrintan uu "gacan uga siiyo".

 

Sharikaddan ayaa sheegtay - in khasaaraha badeecooyinka ee tuugagu ay sababto uu yaraaday tan iyo markii adeegsiga tiknoolojiyaddan la bilaabay.