Ciyaaro:-Xidigaha Kooxda Manchester United Ayaa Isku Raacay Go'aan Midaysan Oo Ay Ka Qaateen Paul Pogba

0
Sunday June 23, 2019 - 10:28:50 in by salman abdi
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaro:-Xidigaha Kooxda Manchester United Ayaa Isku Raacay Go'aan Midaysan Oo Ay Ka Qaateen Paul Pogba

    Xidigaha Kooxda Manchester United Ayaa Isku Raacay Go'aan Midaysan Oo Ay Ka Qaateen Paul Pogba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidigaha Kooxda Manchester United Ayaa Isku Raacay Go'aan Midaysan Oo Ay Ka Qaateen Paul Pogba

Xiddigaha Manchester United ayaa ku taliyay in Paul Pogba la iibiyo xagagaan iyagoo aaminsan inay taasi u fiican tahay dib u dhiska kooxda Man United.


 


 

Xiddiga khadka dhexe ee Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo tartan cusub iyadoo ay saxiixiisa ku dagaalamayaan kooxaha Real Madrid iyo Juventus.


Maamulaha guud ee Old Traffod Ed Woodward ayaa ku adkeysa in xiddiga Faransiiska ee ay ka soo bixiyeen 89 milyan ginni inay qasab tahay inuu sii joogo kooxda.


Laakiin Pogba ayaa si weyn u doonayo inuu baxo, xiddigaha uu ka garab ciyaaro ayaana ka warqaba taas.


Ma ahan xiddig laga neceb yahay qolka labiska laakiin ciyaartoyda intooda badan ayaa doonaya inay diirada saaraan bilowga xilli ciyaareedka cusub bedelkii ay ku mashquuli lahaayeen mustaqbalka xiddiga Faransiiska.


Xiddigaha sida Luke Shaw iyo Scott McTominay ayaa tababar sii bilaabay haatan si ay diyaar ugu noqdaan marka tababarka kooxda uu si rasmi ah u bilowdo 1da bisha July.


Solskjaer ayaa isku dayaya durbaba inuu mideeyo qolka labiska oo ay kala qeybisay maseyrka dhanka dhaqaalaha ah iyo weliba dishibiliin la’aan.


Xiddigaha kooxda ayaana weli aaminsan in Pogba uu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu tayada weyn.


Laakiin waxa ay sidoo kale aaminsan yihiin inay fiican tahay inuu baxo xagaagan si kooxda ay ugu mashquulin farxad la’aantiisa.


Woodward ayaase waxaa ka dhaadhacsan in haddii Pogba oo 26 jir ah uu baxo si kasta oo faa’ido dhaqaale loogu helo inay tahay ganacsi xun islamarkaana ay sii dhaawaceyso sumcadaha Man United ee ah inay tahay koox weyn.