Ra'iisal wasaare Kheyre oo kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Galmudug

0
Friday June 28, 2019 - 11:44:39 in by salman abdi
  • Visits: 388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal wasaare Kheyre oo kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Galmudug

    Ra'iisal wasaare Kheyre oo kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Galmudug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal wasaare Kheyre oo kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Galmudug

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo Xassan Cali Kheyre oo wali ku sugan degmada Cadaado ayaa kulan gaar ah halkaa kula yeeshay madaxweynaha dowlad gobolleedka GalmudugAxmed Ducaale Geelle Xaaf oo waayadii ugu danbeeyay khilaaf xoog leh uu kala dhaxeeyay Dowladda Dhexe.

 

 
 
Labada mas’uul inkastoo kulankoodu u ahaa mid gaar ah oo warbaahintu dibad joog ka aheyd, haddana ilo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw ayaa sheegaya in ay ka wada hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadka yar yar ee wali ka dhax jira maamulka loona qaban lahaa doorasho dhinacyada oo dhan ku qanacsan yihiin.

 

Sidoo kale kulanka ayaa la sheegay in leys kula soo qaaday soo afjarida khilaafka iyo madmadowga muddo dheerba ka dhax jiray maamulka Galmudug iyo dowladda federaalka Soomaaliya lana yeesho wada shaqeyn buuxda si horay loogu sii socdo.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Xaaf doorka uu ka qaatay sidii xal looga gaari lahaa arrimaha Galmudug iyo aqbaalada in doorasho ay ka dhacdo deegaanada Galmudug wallow weli la isku khilaafsan yahay halka lagu qabanayo doorashada Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa horay u sheegay in doorashadu ka dhici doonto degmada Cadaado, hasse ahaatee Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in doorashada soo socta ee Galmudug lagu qabanayo degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud.