Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Oo Soo Gaadhay Magaalada Garoowe +(Sawiro)

0
Friday October 10, 2014 - 22:44:41 in by salman abdi
  • Visits: 692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Oo Soo Gaadhay Magaalada Garoowe +(Sawiro)

    Ra'isal wasaaraha dawlada Federalka Somaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa maanta gaadhey maamul goboleedka Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'isal wasaaraha dawlada Federalka Somaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa maanta gaadhey maamul goboleedka Puntland

,waxaana magaalada Garoowe si weyn ugu soo dhoweeyey madaxda maamul goboleedka Puntland iyo dad weyne aad u tiro badan oo caleemo qoyan ruxaayey,iyada oo loo sii gudbiyey madaxtooyadda Puntland.

Ra’isal wasaaraha ayaa socdaalkiisa waxa ku wehelinaayey xildhibaano ka tirsan Barlamaanka dawlada Federalka Somaliya,kuwaas oo kazoo jeeda maamulkaasi Puntland.

Waxaanu ku sugnaan doonaa magaalada Garoowe maalmo,isaga oo kulamo la yeelan doona madaxda sarsare ee dawlada goboleedka Puntland,isimada iyo qaybaha bulshada ee kala duwan.

Waxaana la filayaa inuu aad ugala hadlo arrimaha cakiran ee ku saabsan khilaafka maamulka Puntland iyo dawlada Federalka ah u dhexeeya,kaas oo dhowaanahanba ka dhex taagnaa.

Booqashadan ayaa noqonaysa booqashadii ugu horeysay ee uu ku yimaado ra’isal wasaare Cabdiwali maamul goboleedka Puntland,iyada oo aanu wanaagsanayn xidhiidhka u dhexeeya dawlada Federalka Somaliya iyo maamul goboleedka Puntland.







Contact@afkashacabka.com