Madaxweyne Muuse Biixi Tanaasul Maka Muujin Doonaa Khilaafka Doorashooyinka Sida Hogaamiyeyaashii Ka Horeeyey

0
Friday June 28, 2019 - 17:16:43 in by salman abdi
  • Visits: 498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Tanaasul Maka Muujin Doonaa Khilaafka Doorashooyinka Sida Hogaamiyeyaashii Ka Horeeyey

    Madaxweyne Muuse Biixi Tanaasul Maka Muujin Doonaa Khilaafka Doorashooyinka Sida Hogaamiyeyaashii Ka Horeeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Tanaasul Maka Muujin Doonaa Khilaafka Doorashooyinka Sida Hogaamiyeyaashii Ka Horeeyey

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa xisbiyada mucaaridka ah ugu baaqay kulan lagaga hadli doono khilaafka doorashooyinka oo ka dhici doona madaxtooyada.


Madaxweyne Muuse ayaa maalinta sabtida ah ku martiqaaday madaxda xisbiyada mucaaridka kulan uu sheegay in xal loogu raadin doono khilaafka lagu kala tagay ee ka taagan qabsoomida doorashooyinka wakiilada iyo deegaanada dalka.

Image result for madaxweyne muuse iyo xisbiyada mucaaridka ah
 


 

Inkasta oo xisbiga Ucid uu u janjeedho dhinaca madaxweyne Muuse Biixi ayaa mar kale la dhawrayaa mawqifyada ay kala istaagaan madaxweyne muuse iyo xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, kuwaas oo saldhig u ah xudunta muranka ka taagan doorashooyinka.


Inkasta oo ay burbureen wada hadalo dhawr ah oo ay xisbiyada iyo xukuumadu ka yeesheen arimaha doorashooyinka ka dib markii ay Waddani iyo Kulmiye ka soo dagi waayeen mawqifyo kala durugsan oo ay qaateen ayaa hadana markan la dhawrayaa in madaxweyne Muuse Biixi uu guto kaalintiisa hogaamiye-nimo oo uu tanaasul muujiyo iyo inuu halkiisii taagnaado, iyada oo natiijada kulankaasina ku xidhan tahay isbadal ku yimaado mawqifyada Kulmiye Iyo Waddani, iyada oo ay muuqato inaanu madaxweyne Muuse khilaafkan ka ciyaarin doorkii looga baahnaa.


Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi ayaan ilaa hada muujin wax tanaasul ah oo la xidhiidha khilaafka arimaha doorashooyinka ee ay ku kala tageen xisbiga mucaaridka ah ee Waddani isaga oo ka leexday dariiqada ay jeexeen hogaamiyeyaashii ka horeeyey ee hadyo jeer dabaca ka muujin jiray khilaafyada soo kala dhexgala mucaaridka ee la xidhiidha doorashooyinka.


Madaxweyne Muuse ayaa si weyn ugu adkaysanaya in guddida doorashooyinka ee hada joogaa ay qabtaan hawlaha qabyada ah mudada uga hadhsan xilkooda halka xisbiga Waddani uu guud ahaanba kalsoonidii iyo wada shaqayntiiba ka goostay guddidaasi, taas oo murankeedu soo taxnaa in mudo ah.


Si kastaba ha ahaatee kulanka maalinta sabtida ah ka dhici doona madaxtooyada ayaa la dhawrayaa natiijada ka soo bixi doonta iyo cida ka tanaasuli doonta mawqifyadii lagu tala tagay ee ay taagnaayeen Kulmiye Iyo Waddani, iyada oo haddii madaxweyne Muuse uu tanaasul muujiyo ay suuragal noqon karto in xal kama dambays ah laga gaadho doorashooyinka.