Ujeedada War-saxaafadeed Ka Soo Baxay Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ku Wajahan Safarka Madaxwayne Muuse.

0
Saturday July 06, 2019 - 16:29:58 in by salman abdi
  • Visits: 427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada War-saxaafadeed Ka Soo Baxay Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ku Wajahan Safarka Madaxwayne Muuse.

    Ujeedada War-saxaafadeed Ka Soo Baxay Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ku Wajahan Safarka Madaxwayne Muuse.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ujeedada War-saxaafadeed Ka Soo Baxay Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ku Wajahan Safarka Madaxwayne Muuse. War-saxaafadeed

06 July 2019

Ujeedo: Baaqa Taageerada Safarka Madaxweynaha JSL

Golaha Wakiilada JSL Isagoo ka duulaaya awooda Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland ee Hagista siyaasada Guud ee dalka.

Isagoo goluhu yaqiinsan isbedelada iyo marxaladaha siyaadaha caalamka

Sidoo kalena Og Xuquuqda aasaasiga ah ee Aayo ka tashiga Umadaha aduunka (Self declaration).

Goluhu isagoo aaminsan xaqa umadda Somaliland u leedahay inay aayahooda kaga tashato isla markaaana hesho aqoonsi caalamiya waxa uu soo saaray Baaqan,

1. Golaha Wakiilada JSL waxa uu si buuxda u taageersan yahay safarka Madaxweynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi ku marayo wadamada Galbeedka afrika gaar ahaana Dalka GINI Waanu ku hambalyaynayaa talaabadaas taariikhiga ah ee uu qaaday.


2. Golaha Wakiiladu wuxuu uga mahadnaqayaa Dawlada Guinea Conakry sida qiimaha iyo gobonimada leh ee ay u soo dhaweeyeen Madaxweynaha iyoo weftigiisa

3. Golaha Wakiiladu wuxuu si xoogan u cambaaraynayaa hadalada cadaawada iyo kala fogaynta ah ee ka soo yeedhaya Dawlada Xamar ee aan iskeed isu maamulin.

4. Golaha wakiiladu waxa ay ka fiirsan doonaan sii socoshada wada hadalada Somaliland iyo Somalia.

Gebagebadii Waxaanu beesha caalamka ka codsanaynaa inaanay indhaha ka qarsanin xaqiiqooyinka ka jira Somaliland isla markaana si dhaw indhaha loogu hayo cadaawada aan qarsashada lahayn ee dawladaas Xamar ula soo badheedhay bulshada Somaliland iyo dawladnimaadoodaba.

Allaa Mahad Leh

Suleymaan Cabdisitaar Dubad

Agaasimaha Warfaafinta iyo xidhiidhka Dadweynaha JSL