Kooxda Al-Shabaab Oo Guddoomiye Cusub U Magacowday Magaalada Muqdisho Iyo Bulshada Xamar Ku Dhaqan Oo Arintan Aad Ula Yaabay

0
Wednesday July 10, 2019 - 09:53:59 in by salman abdi
  • Visits: 537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Al-Shabaab Oo Guddoomiye Cusub U Magacowday Magaalada Muqdisho Iyo Bulshada Xamar Ku Dhaqan Oo Arintan Aad Ula Yaabay

    Kooxda Al-Shabaab Oo Guddoomiye Cusub U Magacowday Magaalada Muqdisho Iyo Bulshada Xamar Ku Dhaqan Oo Arintan Aad Ula Yaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Al-Shabaab Oo Guddoomiye Cusub U Magacowday Magaalada Muqdisho Iyo Bulshada Xamar Ku Dhaqan Oo Arintan Aad Ula Yaabay

Ururka Xarakadda Al-shabaab ayaa guddoomiye cusub u soo magacowday magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya kadib markii duqeyn lagu dilay mas’uulkii hore ugu qaabilsanaa magaaladaasi.

Ilo ku dhow dhow Al-shabaab ayaa laga soo xigtay in guddoomiyaha cusub ee magaalada Muqdisho loo magacaabay Daahir Macallin Salaad oo sida la sheegayo hore uga tirsanaa waaxda Sirdoonka ee Al-shabaab.

Guddoomiyihii hore Al-shabaab u qaabilsanaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen oo ku magac dheeraa (Cali Jabal) ayaa la sheegay in duqeyn lagu dilay sannadkii 2017.

Dawladda Itaalka daran ee Soomaaliya ayaa sheegata inay Al-shabaab ka saartay magaalada Muqdisho balse waxay tani muujinaysaa awoodda ay kooxdani ku leedahay Caasimaddii dhamayd ee Dalka ee Muqdisho iyagoo weli sidoo kalena ka fuliya dilal qorshaysan iyo qaraxyo ay ku nafwaayeen saraakiil sare oo Dawladdda ka tirsani.