"Waxa Labada Dhinaca Nagaga Yimid Ciidanka QARANKA Iyo Jabhaddii Buur Madaw"Sarkaal Ka Tirsan Kooxda Kornayl Caare

0
Friday July 12, 2019 - 09:49:57 in by salman abdi
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxa Labada Dhinaca Nagaga Yimid Ciidanka QARANKA Iyo Jabhaddii Buur Madaw"Sarkaal Ka Tirsan Kooxda Kornayl Caare

    "Waxa Labada Dhinaca Nagaga Yimid Ciidanka QARANKA Iyo Jabhaddii Buur Madaw"Sarkaal Ka Tirsan Kooxda Kornayl Caare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa Labada Dhinaca Nagaga Yimid Ciidanka QARANKA Iyo Jabhaddii Buur Madaw"Sarkaal Ka Tirsan Kooxda Kornayl Caare

"Waxaa Naga Dhintay Hal Nin Oo Aanu Anagu Dhexdayada Iska Dilnay "Waxaa Dhexdayada Nooyaala Xeer, Qofkii Dagaalka Kasoo Jeesta In La Toogto, Xeerkaasi Ayaanu Naga Dhintay”, Waxaa Uu Magaciisa Ahaa Mukhtaar Maxamed Caydiid…”Sakariye Saajin

Sarkaal ka tirsan Jabhadda Kornayl Caare ayaa Xalay Waraysi khaas ah oo uu siiyay Shebekada BurcoOnline, waxa uu nooga waramay Khasaaraha Dagaalkii Shalay ku dhex maray Bariga Gobolka Sanaag Ciidanka Qaranka Somaliland iyo xaalada ay hadda ku sugan yihiin.


 

Sakariye Cabdilaahi Saajin oo sheegtay inuu yahay Xoghayaha Warfaafinta Jabhadda Caare ayaa waxa uu nooga waramay sidii uu ku bilawday dagaalkii Shalay, waxa kale oo uu nooga waramay maxaabiis laga qabtay Tiradda Ciidanka ka dagaalka ka dhintay.

"Waxaanu hadda joognaa Deegaanka Dhaamka Higladda La yidhaa ee ku dhaw Tuuladda Carmale, 50 Km ayay Bari ugu toosan tahay Magaaladda Ceerigaabo, walaal dagaalku waxa uu nagu bilawday abaaro 8-aroornimo ee Saaka (Shalay aroortii), waxaanu si kedis ah iskaga hor nimid Ciidanka Somaliland anagoo wakhtigaasi ka nimid Xiingalool, waxa na dhex maray dagaal qadhaadh oo illaa 6-saacadood socday, waxaanu isku adeegsanay hub wixii aanu haysaynay, maansha Allaah Khasaare badani nama soo gaadhin, Kornayl Caarena wuu nala socday, dagaalka safka hore ayuu kaga jiray, hadeerna meel Iskuul ah ayuu hurdaa oo waa iga fog yahay”.


Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi "khasaaraha nasoo gaadhay ma badna, waxaa naga dhintay hal nin oo aanu anagu dhexdayada iska dilnay "Waxaa dhexdayada nooyaala Xeer, Qofkii dagaalka kasoo jeesta in la toogto, xeerkaasi ayaanu naga dhintay”, waxaa uu magaciisa ahaa Mukhtaar Maxamed Caydiid, goor dhawayd ayaanu aasnay. Khaaraha kale ee nasoo gaadhay waxaa ka mid ah, gaadhi tikniko ah oo god nagaga dhacay iyo laba nin oo dhaawac ahaa ayaa dagaalka lanagaga qabsaday, waxa kale oo ay Ciidanka Somaliland ay deegaanka dagaalku ka dhacay ka kaxaysteen todoba nin oo ka mid ahaa dadka deegaanka oo iskood isku hubeeyay oo naga barbar dagaalamayay, kuwaasi oo maxaabiis ahaan ciidanku u kaxaysteen, anaguna gaadhi qabaal ah ayaanu dagaalkaasi ku qabsanay, waxaananu ku dilnay Laba Askari, dhaawacyana waa la sheegayay”.

Waxa uu intaasi raaciyay in labadii Maxbuus ee dhaawaca ahaa ee dagaalka lagaga qabtay ee Ceerigaabo la geeyay in mid ka mid ahi ay Qoyskoodii la baxsadeen "xogta hadda nasoo gaadhaysaa waxay sheegaysaa in Labadii nin ee naga dhaawacmay ee maxbuus ahaanta loo kaxaystay in mid cisbitaalka uu yaalo,kii kalena ay qoyskoodii kala baxsadeen Cisbitaalka”.