Madaxwayne Farmaajo Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Kismaayo.

0
Saturday July 13, 2019 - 11:38:40 in by salman abdi
  • Visits: 299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Farmaajo Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Kismaayo.

    Madaxwayne Farmaajo Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne Farmaajo Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Kismaayo. adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed

 

Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada dadkii ku geeriyooday weerarkii ka dhacay magaalada Kismaayo.


Madaxweynaha ayaa dadka dhaawacyadu soo gaaray u rajeeyey in uu Alle u caafiyo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.


 

 

"Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna."


 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray hay'adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Jubbaland iyo kuwa heer dowlad Goboleed in ay sare u qaadan feejignaantooda oo ay sugaan amniga, kana hor tagaan falalka argagixisanimada.


Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada Jubbaland in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaannada oo ay ku soo food leedahay doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland.