Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo xilka la wareegay
Munaasabadan xil wareejinta ah oo aheyd mid siweyn loo wada sugayay ayaa ugu danbeyntii ka dhacday xarunta maamulka gobolka Hiiraan, iyadoo ay ka qeybgalleen mas'uuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Waxaa jiray khudbado kala duwan oo halkaa laga soo jeediyay oo dhamaantood u badnaa is cafin, dardaaran iyo waliba in si wada jir ah loo wada shaqeeyo, gaar ahaan guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa bulshada ugu baaqay in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.
Xil wareejinta oo soo martay maraaxilo kala duwan ayaa timid kaddib markii xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku guuleysteen in ay soo afjaraan khilaafkii siayasadeed ee ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore Yuusuf Dabageed oo ka biyo diiday in uu xilka wareejiyo.
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa bulshada gobolka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ee gobolka, dhinaca kalana waxaa uu ka dalbaday shacabka in lagu dadaalo nabad-galyada oo muhiim u ah socodsiinta howlaha maamulka.
Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa dhinaciisa balanqaaday in uu la iman doono isbadal iyo wax qabad muuqda, isaga oo uga mahad celiyay guddoomiyihii hore howlihii uu qabtay mudadii uu xilka hayay.
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo xilka la wareegay
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo xilka la wareegay