Wargeys UK ka soo Baxa oo Isbarbar-dhig ku Sameeyey Dawladnimadda Somaliland iyo Qalaasaha Hadheeyey Soomaaliya

0
Tuesday July 16, 2019 - 08:54:37 in by salman abdi
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargeys UK ka soo Baxa oo Isbarbar-dhig ku Sameeyey Dawladnimadda Somaliland iyo Qalaasaha Hadheeyey Soomaaliya

    Wargeys UK ka soo Baxa oo Isbarbar-dhig ku Sameeyey Dawladnimadda Somaliland iyo Qalaasaha Hadheeyey Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeys UK ka soo Baxa oo Isbarbar-dhig ku Sameeyey Dawladnimadda Somaliland iyo Qalaasaha Hadheeyey Soomaaliya

Wargeys ka soo baxa London oo la yidhaahdo KCW-Today ayaa Warbixin uu maanta daabacay

 

ku sheegay in wararka waaweyn ee bishan July saameynta yeeshay ay ka mid tahay dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland ay ka sameysay dedaalka ay ugu jirto aqoonsi raadinta.


 

 

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay warbixintaas ku saabsanayd Somaliland, waxaanay u qornayd sidan:-"Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa 27kii June ee la soo dhaafay barteeda Twitterka ku daabacday wadahadal ay la yeesheen Somaliland oo ay u adeegsadeen ereyga ah"labada dal”,waxaanay Arrintaasi noqotay markii u horreysay ee dal ka mid ah caalamku uu Waddan ahaan u qiro Jamhuuriyadda Somaliland.”


Warsidaha KCW-Today wuxuu sheegay in ururkii dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM uu Bishii May ee sannadkii 1991kii iskugu yeedheen waxgaradka beelaha, kuwaasi oo ku dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland oo mar uu xukumi jiray Ingiriisku.


Sidoo kale, waxa Wargeysku isbarbar-dhig ku sameeyey dawladnimada iyo ammaanka ka hirgalay Jamhuuriyadda Somaliland iyo nabadgelyo darrada,argagixisada, barakaca iyo burburka ku habsaday Soomaaliya, waxaanu ka markhaati kacay Wargeysku in Somaliland gabi ahaanba ka duwan tahay kana badbaaday mashaqada ka jirta Soomaaliya.


KCW-Today wuxuu intaas ku daray in JSL uu madaxweyne yahay Muuse Biixi Cabdi, oo hore u ahaan jiray duuliye ka tirsanaa ciidammada cirka, waxa kaloo uu wargeysku sheegay in Somaliland leedahay ciidammadeeda Booliska iyo lacag u gaar ah.


 

Wargeysku wuxuu soo bandhigay inay Somaliland qaaday talaabooyin diblomaasiyadeed oo ay wadahadallo kula yeelato Qarammada Midoobay, Midowga Africa (AU) iyo dalal ay ka mid yihiin UK iyo Maraykanka.


Warsidaha KCW-Today wuxuu ku soo gabogabeeyey warbixintiisa haddii Kenya ay hormuud ka noqoto aqoonsiga Somaliland inay talaabadaasi noqon doonto mid xiiso leh oo lagu soo qaadi doono shir madaxeedka Midowga Afrika ee lagu wado inuu qabsoomo horaanta sannadka 2020ka.

Cumar Maxamed Faarax