Deg Deg Gudoomiyaha ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Toronto Cambaareeyay Xukuumada Somaliya

0
Tuesday July 16, 2019 - 09:00:53 in by salman abdi
  • Visits: 416
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg Gudoomiyaha ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Toronto Cambaareeyay Xukuumada Somaliya

    Deg Deg Gudoomiyaha ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Toronto Cambaareeyay Xukuumada Somaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deg Deg Gudoomiyaha ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Toronto Cambaareeyay Xukuumada Somaliya Gudoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE ee Toronto ayaa ka hadlay markabkii xoolaha ka qaaday dekadaBerbera ee lagu xanibay dalka Sucuudiga, sidoo kale waxa uu gudoomiye ku xigeenku cambaareeyay dawlada Somaliya, sida uu ku sheegay qoraal uu usoo diray shabakada Hadhwanaagnews, waxaanu qoraalku uqornaa sidan :- Waxaan halkan ka cambaareynayaa weerarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee maamulka Vila Wardhiigleey ku hayo Jamhuuriyadda S/land oo ay ugu dambeysay dacwadii iyo dagaalkii ay u galeen sidii aanay xoolaha S/land u dhoofi lahayn taasoo markhaati cad u ah inay carqaladeeyaan dhaqaalaha Soomaaliland, balse dedaal dheer oo dawladda Soomaaliland u gashay siideynta xoolahaasi in ay ka degaan dalka Sucuudiga.


 

 

 

Waxaan kaloo halkan ka cambaareynayaa weerarada is daba jooga ah ee maamulka Somaliya ku hayo horumarka dhaqaale ee jamhuuriyadda S/landtaasoo muujinaysa cadaawada joogtada ah ee ay shacbiga Soomaaliland ku hayaan

 


Waxaa aanan marnaba qarsooneyn ishortaagii badheedhka ahaa ee ay maamulka muqdisho isku dayeen inay xoolaha ka dhoofa dekedaha Soomaalilandaaney marnaba ka degin dalka Sucuudiga, balse waxaa ayaan darro ah inay guuldaradaas ka dib sheegato maamulka Xamar guushii Soomaaliland ku geysay xoolahooda dalka Sucuudiga.


Dawladda Soomaaliland waxay u mahadnaqeysaa dawladda Boqortooyada Sucuudiga tallaabada geesinimada leh ee ay ka qaadatay dejinta markabkii siday xoolaha ka dhoofay Soomaaliland kuna garowsatay muhiimada isusocodka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal.


Hadaba waxaan xukuumada Soomaaliland ku hambalyeenayaa iyadoo ka duuleysa iibgeynta lafdhabarta dhaqaaleheeda ee xoolaha nool sidii ay dedaalka ugu gashay helida suuqyo ganacsi oo cusubiyadoo sii xoojin doonta xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal.

Alaha Mahad leh.

Gudoomiye Shuceyb Cabdilaahi Xuseen.