"Wiilka Darajada Lagu Taxay Waxa Uu Dilay Shan Askari Oo Ciidanka Xooga Dalka Ka Mid Ah"..Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

0
Wednesday July 17, 2019 - 13:25:39 in by salman abdi
  • Visits: 763
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Wiilka Darajada Lagu Taxay Waxa Uu Dilay Shan Askari Oo Ciidanka Xooga Dalka Ka Mid Ah"..Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

    "Wiilka Darajada Lagu Taxay Waxa Uu Dilay Shan Askari Oo Ciidanka Xooga Dalka Ka Mid Ah"..Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wiilka Darajada Lagu Taxay Waxa Uu Dilay Shan Askari Oo Ciidanka Xooga Dalka Ka Mid Ah"..Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Siyaasiga Caanka ah ee Xisbiga Wadajir ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arin yaableh fashiliyay, taasi aad u soo jiidatay dareenka Shacabka Reer Muqdisho iyo guud ahaan Umaddii Soomaaliyeed ee Qoraalkiisa akhriday.


 


 

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay Askari ay garaado sare ku taxday Villa Soomaaliya waxaanu ka hadlay sababta "Waxay ummada Soomaaliyeed wada ogsoon tahay in wiilkan garaadaha sareeya guuto caawa loo xiray uu xasuuq ka gaystay xarunta Xisbiga Wadajir oo uu 5 askari oo ciidanka xooga dalka ka tirsan ku dilay, maydkoodiina kabaha ku aasay.


Tani waxay cadayn u tahay in kuwa abaalmarinta siinaya iyo kuwa kor ka soo amray ay danbiga shirko kula yihiin, waxayna shacabka Soomaaliyeed tusaysaa sida uu rajiimka Vila Somalia ka taliyaa sharci, dawladnimo, damiir iyo dadnimo kaga arradan yahay.


Waxaan kalsooni ku qabaa in wiilashii la xasuuqay mar ay noqotoba ay cadaalad heli doonaan, sawirkaninna uu marqaati fur u noqon doono gaboodfalka xasuuqii uu rajiimka Vila Somalia ka arrimiya geystay.