Boorama:Wasiirka Gaadiidka Somaliland Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Socdaal Shaqo Ku Tagay Boorama SAWIRO.

0
Tuesday July 23, 2019 - 09:35:35 in by salman abdi
  • Visits: 1610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boorama:Wasiirka Gaadiidka Somaliland Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Socdaal Shaqo Ku Tagay Boorama SAWIRO.

    Boorama:Wasiirka Gaadiidka Somaliland Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Socdaal Shaqo Ku Tagay Boorama SAWIRO.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama:Wasiirka Gaadiidka Somaliland Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Socdaal Shaqo Ku Tagay Boorama SAWIRO.

Cusmaan oo ay ka mid yihiin Maareeyaha Wakaalada Wadooyinka Somaliland iyo xubno ka socday Banka Horumarinta Afrika (African Development Fund) ayaa booqday Wadada isku xidha Jabuuti iyo Boorame, wadadan oo ay dhismaheeda gacanta ku hayso Hay’adda madaxa banan ee SARDA oo gacan ka helaysa dadweynaha Gobolkka Awdal iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somliland, ujeedka socdaalka waftigan ayaa ahaaa qiimayn iyo sidii ay u suuro galilahayad in Banka Horumarinta Afrika (African Development Fund) gacan ka gaysto dhismaheeda oo uu u dhislahaa.Image may contain: 5 people, people smiling, sunglasses

Image may contain: 8 people, people standing

 

 


Image may contain: one or more people, people standing, sky, child, outdoor and nature

Kulan arintaasi ku saabsan oo ka dhacay goobta dhismaha wadadu ka socoto oo ah duleedka Galbeed ee Magaalada Boorame, ayaa wax ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Maareeyaha Wakaalada Wadooyinka, Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Awdal, Maareeyaha Hay’adda Madaxa Banaan ee SARDA, Xubno Ka Socda Banka Horumarinta Africa, Sulaadiin, Sheikhal Beladka Magaalada, Xubno ka Mida Wasiiradda Dawladii hore iyo Dadweyne kale.

Image may contain: 8 people, people standing

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo si weyn magaalada loogu soo dhaweeyay ayaa u mahad u celiyey dadweynaha deegaanka, islamar ahaantaasna waxaa uu iftiimiyey qorshayaasha horumarineed ee Xukuumada Kulmiye, sidoo kalena waxa uu sheegay in ay dhaqaale uga heleen wadadan Banka Horumarinta Africa, waxaana hadaladiisii ka mmid ahaa:- "waxaan jecelahay in aan sadex qodob uun aan ka hadlo, midi waa mahad naq, aan idiin mahad naqaayo dhamaan madaxda iyo qoorweynta Gobolka awdal, sida sharafta leh ee aad maanta noo soo dhaweyseen, midna waxaan jeclahay in aan idinku baraarujiyo, siyaasada guud ee aanu qaadanay hadaanu nahay Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye, marka laga tago adeega aasaasiga ah sida Caafimaadka iyo Waxbarashadda, Dawladdu waxa ay u aragtay in mudnaan la siiyo sadex shay, shayga 1aad waa kaabayaasha dhaqaalaha, shayga 2aad waa wax soo saar, sida xoolaha beeraha iyo kaluumaysiga, qodobka 3aad waa biyaha.”


Image may contain: 4 people, people smiling

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:- " markaa sadexdaas qaybood waa inoo mudnaan shanta sono ee soo socda, runtii wadadni waxa ay anaga noogu jirtay mudnaanta 2aad, marka laga tago wadada ceergaabo, lakiin maanta waxa nasiib noo ah in ay nooga soo harumartay wakhtigii qorshuhu noo ahaa, anagoo dhaqaale ka helnay Bank Horumarinta Africa, aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa, waxaanu ku khasbanahay maadama shaygu ahaa balanqaadkayagii cid kasta oo nagala qayb qaadatay, waxay u socdaan iminka xaqiiqo raadin, si dhakhso ahna waa loo bilaabidoonaa daraasadii, mudo 12 bilood gudahood ahna waxaanu jecelnahay insha allah tacaala in wadadu si rasmi ah inoogu bilaabanto.”

Image may contain: 4 people

Maareeyaha Wakaaladda Wadooyinka Cismaan Sheikh Cabdi Muxumed oo isaguna goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeya mashruucan, waxaana ka midhaa hadlkiisii:- " anagu aad ayaanu ugu faraxsanahay angoo ay noo qorshaysnayd in aanu mustaqbalka ka shaqayno oo aanu gacan ku leenahay Wasaaradd ahaan iyo Hay’add ahaanba in maanta nasiib ay tahay in mashruucii weynaa wijjigiisii 1aad halkan ka bilaabmayo.”

Image may contain: 5 people, people smiling

Maamulaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Warshadaha ee Bariga Africa ee Banka Horumarinta Africa Xuseen yuusuf Iiman oo halkaasi ka hadlay, ayaa ka mahad naqay sida loogu soo dhaweeyay Dalka JSL, sidoo kalena waxa uu ka hadlay ujeedka socdaalkooda, waxaanu yidhi:- " waxaanu u nimi ugu horayan daraasadii lagu samayn lahaa wadadan Boorma ilaa Lawyocado, kadibna waxa ku xigidoonta maalgalinti oo qaadandoonta ilaa sideed bilood.”

Image may contain: 8 people, people smiling

Waxa iyaguna goobta ka hadlay Badhasaab kuxigeenka Gobolka Awdal C/raxmaan Nuur Sugaal, Maareeyaha Hay’adda Madaxabanaan ee ASARDA Yaasiin Qalinle Kaahin, Sheikhal beledka Magaalada Sheikh C/aahi Sheikh Cali Jawhar, qaar ka mida Sulaadiinta Dhaqanka ee Deegaanka, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, iyo Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal, sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay Wasiirkii hore ee xidhiidhka golayaasha Cali Xaamud Jibriil, oo dhamaantood soo dhaweeyay mashruuca iyo waftigaba.

Image may contain: 7 people, people standing

Gabogabadii waxa uu Waftigu booqday dhismaha Buundada isku xidha Jamaacada Camuud iyo Magaalada Boorame oo gabogabo ku dhaw.