New York Times: "Qadar Ayaa Ku Lug Lahayd Qaraxii Dhawaan Ka Dhacay Boosaaso"

0
Tuesday July 23, 2019 - 18:35:19 in by salman abdi
  • Visits: 348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    New York Times: "Qadar Ayaa Ku Lug Lahayd Qaraxii Dhawaan Ka Dhacay Boosaaso"

    New York Times: "Qadar Ayaa Ku Lug Lahayd Qaraxii Dhawaan Ka Dhacay Boosaaso"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

New York Times: "Qadar Ayaa Ku Lug Lahayd Qaraxii Dhawaan Ka Dhacay Boosaaso" New York Times: "Qadar Ayaa Ku Lug Lahayd Qaraxii Dhawaan Ka Dhacay Boosaaso"

Cadadkii shalay ee Wargeyka The New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay Warbixin ku saabsan Cod Telefoon la sheegay inay is-dhaafsadeen Danjiraha Qatar u jooga Soomaaliya, Ambassador Xasan Bin Xamza Haashim iyo Ganacsade la sheegay inuu aad ugu dhow yahay Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani, waa sida uu Wargeysku qoraye.

Wargeysku waxa uu tilmaamay in qaraxii ka dhacay magaalladda Boosaaso bishii May ee sannadkan in lala xidhiidhin karo Loolanka Danaha ee Dowladaha Qatar iyo Imaaraadka ee ku saabsan Gacan-ku-haynta Maamulka Dekedda Bosaaso, waa sida uu Wargeysku ku muujiyey Warbixintiisee.

Wargeysku waxa uu qoray inay Imaaraadka iyo Qatar ahaayeen ubucda dagaalka Soomaaliya labadii sanno ee la soo dhaafay, isla markaana ay Hub ama Tababar Milliteri siiyaan kooxaha Soomaalida iyo inay Laaluushaan Saraakiisha Maxaliga iyo Tartanka Qandaraasyadda ay ku maamuli lahaayeen Dekedaha ama Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya.

Warbixinta The New York Times waxaa kaloo lagu xusay inay heleen Cod Telefoon oo la soo duubay, oo ay Danjiraha Qatar u jooga Soomaaliya iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka Qatar kaga wada hadleen Qarixii bishii May ee sannadkan ka dhacay magaaladda Boosaaso.

Ganacsadaha oo magaciisa lagu sheegay Khalifa Kayed Al-muhanadi waxa uu Danjire Xasan Bin Xamza Haashim ku yidhi: "Qaraxyadda iyo Dilalka, waan ognahay kuwa ka dambeeya”.

Codka Maqalka ee uu Wargeyska The New York Times sheegeen inay heleen waxaa kaloo lagu xusay inuu Ganacsadahaasi sheegay inay Maleeshiyadu qaadeen Qaraxyadii Boosaaso, si loo horumariyo Danaha Qatar, ee meesha looga saarayo dalka Imaaraadka ee ay xifaaltamaan.

Codadka Telefoonka ee la duubay waxaa kale oo la sheegay inuu Ganacsaduhu kaga hadlay Qandaraaska Shirkadda DP World ee maamusha Dekedaha Bosaaso iyo Berbera, wuxuuna Wargeysku qoray inuu Ganacsadahaasi sheegay inuu qof ka mid ah qaraabadda Madaxweynaha Soomaaliya uu isaga la jiro, isla markaana la rajeynayo in Qandaraasyada Shirkadda DPW lagu wareejin doono Qatar, waa sida uu Wargeysku daabacay.

Codka Telefoonka ee uu Wargeysku soo bandhigay ayaa la sheegay in la duubay bishii May 18-keedii, hal usbuuc kadib qarixii ka dhacay magaaladda Bosaaso. Wargeyska waxa uu Warbixintiisa ku muujiyey in Hay’ad Sirdoon oo Shisheeye oo mucaarad ku ah Siyaasadda dibedda ee Dowladda Qatar ay duubeen ama rikoodh-gareeyeen Wada-sheekeysiga Telefoonka ee ay ku wada hadleen Danjiraha Qadar u jooga Soomaaliya iyo Ganacsadaha ay aadka isugu dhaw yihiin Amiirka dalkaasi. Dhinaca kale, Wargeyska The New York Times waxa uu qoray inay xidhiidh la sameeyeen Danjiraha Qadar u jooga Soomaaliya, Ambassador Xasan Bin Xamza Haashim, kaasi oo beeniyey inuu aqoon u leeyahay Ganacsadaha Khalifa Kayed Al-muhanadi, ka hor inta aanu Danjiruhu jarin Wicitaanka Wareysiga lala yeeshay.

Wargeysku waxa kale oo uu qoray inay la xidhiidheen Ganacsadaha Al-muhanadi, kaasi oo sheegay inay Danjiraha ahaayeen saaxiibo xilligii ay Iskuulka wada dhigan jireen. Ganacsaduhu waxa kale oo uu xusay inuu yahay shaqsi hawl-gab ah oo Ganacsade ah, isla markaana aanu wakiil u ahayn wax Dowlad ah. Xafiiska Isgaadhsiinta ee Qatar oo War-saxaafadeed u diray Wargeyska The New York Times waxa lagu sheegay inaanay Dowladda Qatar faro-gelin ku samaynin arrimaha Gudaha ee dalalka madaxa bannaan.