Muqidisho:-Soomaaliya Oo Ka hadashay Warbixintii New York Times Ka Qortay Dawlada Qatar

0
Wednesday July 24, 2019 - 13:31:27 in by salman abdi
  • Visits: 439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqidisho:-Soomaaliya Oo Ka hadashay Warbixintii New York Times Ka Qortay Dawlada Qatar

    Muqidisho:-Soomaaliya Oo Ka hadashay Warbixintii New York Times Ka Qortay Dawlada Qatar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqidisho:-Soomaaliya Oo Ka hadashay Warbixintii New York Times Ka Qortay Dawlada Qatar Soomaaliya Oo Ka Hadoomaaliya oo ka hadashay Warbixintii New York Times Ka Qortay Dawlada Qatar

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay warbixin lagu daabacay wargeyska New York Times oo dowladda Qatar la xiriirisay qarax ka dhacay Magaalada Boosaaso.

 

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inay arrintan kala hadleen dowladda Qatar ayna beenisay.

Image result for axmed ciise cawad
Lis Dairy


 

Wasiirka waxa uu sheegay inuu u yimid safiirka Qatar ee Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay ku qanacday sharaxaaddii uu arrintan ka bixiyey.


"Dowlada Qatar waxay soo saartay War-saxaafadeed ay ku cadeyneyso ineysan ku sifoobn waxa uu qoray wargeyska New York Times, safiirkooda Muqdisho ayaa inoo yimid sharaxaad badan ka dibna waan ku qanacnay” ayuu yiri Wasiir Cawad.


Wargayska The New York Times ee ka soo baxa dalkan Maraykanka ayaa daabacay maqaal xasaasi oo uu ku tilmaamay dalalka Khaliijka gaar ahaan Imaaraatka iyo Qatar inay si weyn ugu loolamayaan siyaasadda Soomaaliya.


Warbixinta ayaa lagu sheegay in ganacsade ku dhow amiirka Qatar uu sheegay in qarax ka dhacay magaalada Boosaaso la fuliyey si "sare loogu qaado danaha Qatar”, qaraxaas oo looga dan lahaa in Imaaraadka uu dekeda Boosaaso ka cararo.


Dowladda Qatar oo arintaas ka jawaabeysa ayaa beenisay warkaas, iyadoo sheegtay inaysan faro-gelinin arrimaha gudaha dalalka kale, isla markaana cid kasta oo sidaas sameysa aysan iyada matalin.