Maxkamad Ku Taalada Dalka Maraykanka Oo Ogaalsho Siisay Madaxweyne Trump+Arimaha Ay Ku Taageertay.

0
Saturday July 27, 2019 - 13:45:15 in by salman abdi
  • Visits: 468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad Ku Taalada Dalka Maraykanka Oo Ogaalsho Siisay Madaxweyne Trump+Arimaha Ay Ku Taageertay.

    Maxkamad Ku Taalada Dalka Maraykanka Oo Ogaalsho Siisay Madaxweyne Trump+Arimaha Ay Ku Taageertay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad Ku Taalada Dalka Maraykanka Oo Ogaalsho Siisay Madaxweyne Trump+Arimaha Ay Ku Taageertay.

Maxkamadda ugu sareysa Mareykanka ayaa sheegtay in madaxweyne Donald Trump uu $2.5 bilyan

oo doolar ka isticmaalo sanduuqa Pentagon-ka si uu u dhiso qeyb ka mid ah darbiga ee dhinaca koonfureed ee xadka.

Maxkamadda ayaa waxa ay go'aankaasi ku meel marisay shan cod halka afarna ay diideen, waxaana ay sidaa maxkamaddu ku hor istaagtay xukun uu riday xaakimka federaalka ee California kaas oo madaxweynaha ka hor istaagay inuu wax kharash ah ku bixiyo dhismaha darbiga.


 

Darbiga oo kala qeybinaya Mareykanka iyo Mexico, ayaa ahaa ballaanqaadkii ugu waynaa ee ololaha Trump ee doorashadii 2016.


Arrintaasi waxaa aad uga soo horjeestay Dimuqraadiyiinta.


Go'aanka ay Maxkamadda ugu sarreysa gaartay ayaa waxa uu ka dhigan yahay in lacagta loo isticmaali doono mashaariicda darbiga looga dhisayo gobollada California, Arizona iyo New Mexico.


Maxkamad ku taal California ayaa waxa ay ku doodday in Kongareesku uusan bixin ogolaanshaha kharashka loo isticmaali doono dhismaha darbiga.


Farriin uu soo dhigay Twitter-ka ayuu Mr Trump waxa uu xukunka ku tilmaamay "guul weyn".


Jimcihii Mareykanka Guatemala ayaa waxa ay gaareen heshiis dhigaya in muhaajiriinta ka soo kicitinta Honduras iyo El Salvador ee soo marta Guatemala laga doonayo inay halkaas ku hakadaan oo ay marka hore magangalyo waydiistaan, halkii ay safarkooda sii wadan lahaayeen si ay isugu dayaan inay Mareykanka gudaha ugu galaan.


Sidee xukunka looga falceliyay?


Afhayeenka Aqalka Kongareeska Mareykanka Nancy Pelosi ayaa tiri: "Caawa go'aanka ay Maxkamadda ugu sarreysa ee Mareykanka ee Trump u ogolaanaysa inuu dhaqaale ka xado khasnadda milateriga si uu u isticmaalo waa dayacaad, barbiga xadka ee aanan shaqeyn doonin waxaa diiday Kongareeska waana wax aan sax ahayn. Dadkii dalkan aasaasay waxa ay dajiyeen dimuqraadiyad ay dad hoggaan u yihiin ee kama aanay tegin boqortooyo."


Midowga u dooda xuquuqda rayidka ee Ameerika ayaa waxa uu wacad ku maray inuu dacwad ka dhan ah go'aankaasi gayn doono Maxkamadda Racfaanka "si aan u hor istaagno waxyeellada soo socota ee aanan hadhow wax laga qaban karayn ee ka dhalan doonta darbiga xadka ee Trump".


Mr Trump ayaa bilowgii sanadkan waxa uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, isagoo sheegay inuu u baahan yahay $6.7 bilyan oo doolar si uu u dhiso darbi arrintaas oo uu ku tilmaamay inay tahay mid khusaysa ammaanka qaranka. Sikastaba xaalku ha ahaadee lacagtaas ayaa waxa ay ka yar tahay qiyaastii aheyd $23 bilyan ee la doonayay in lagu kharash gareeyo xadka dhirirkiisu uu gaarayo ilaa 3,200 ee kiilomitir.


Dimuqraadiyiinta ayaa waxa ay ku andacoodeen in go'aanka madaxweyne Trump uu ugu dhawaaqay xaaladda degdega ah ay ka baxsan tahay awoodaha uu u ogol yahay dastuurka Mareykanka.


Bartamahii bishan July ayey aheyd markii hay'adda Qaxootiga ee UNHCR ayaa walaac ka muujisay shuruucda cusub ee socdaalka Mareykanka ee ah in dadka magangalya -doonka ah ee Koonfurta Ameerika loo diido in ay soo galaan dalkaasi.


Hay'adda Qaramada midoobey ee qaxootiga ayaa sheegtay in shuruucda cusub ee Mareykanka ay yihiin kuwa aad u adag slamarkana halis galinaya qoysaska nugul.


In dadka Mareykanka ka soo galaya dhanka xuduuda Konfureed islamarkana soo maray dal kale loo diido magangalyo ayay ku tilmaamay UNHCR mid waji gabax ku ah Mareykanka.


Hay'adda Qaxootiga aduunka aya rumaysan in xukuumadda Washinton ay ku tumanayso sharuucda caalamiga ah ee ay horey u saxiixday.


Qaar badan oo ka mid ah dadka Mareykanka imaanaya ayay hay'adu sheegtay in ay ka soo carareen cadaadis iyo rabshado islamarkana dadkaasi aysan xerooyiinka ay ku sii hakanayaan aan la siin wax dhowrid iyo ilaalin ah.


Hay'adda qaxotiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in ay la socoto in nidaamka magangalyada ee mareykanka imika uu yahay mid murugsan islamarkana ay hay'ada diyaar u tahay in ay gacan ka gaysato xalka arrintan.


UNHCR ayaa intaa ku dartay in nidaamyadan ay xaddidayaan xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadda islamarkana uusan xalku ku jirin.


Balse hadalada ka soo yeeraya madaxwayne Trump ayaa ah kuwa muujinaya in Mareykanku uusan diyaar u ahayn in uu soo dhaweeyo dadka qaxootiga ah iyo kuwa magangalya doonka.


Qaxootiga ka soo galay xadka dhanka Mexico ayaa waxaa ay la kulmaan cadaadis iyo dhibaatooyiin badan.