Ciyaartooy Dunida caan Ka Ah Oo Laga Mamnoocay Ciyaaraha Dunida Iyo Sababta Ka Dabaysa.

0
Saturday August 03, 2019 - 09:24:17 in by salman abdi
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciyaartooy Dunida caan Ka Ah Oo Laga Mamnoocay Ciyaaraha Dunida Iyo Sababta Ka Dabaysa.

    Ciyaartooy Dunida caan Ka Ah Oo Laga Mamnoocay Ciyaaraha Dunida Iyo Sababta Ka Dabaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaartooy Dunida caan Ka Ah Oo Laga Mamnoocay Ciyaaraha Dunida Iyo Sababta Ka Dabaysa.

Kabtanka kooxda qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa muudo 3 bilood ah laga mamanucay cayaaraha kubadda cagta ee caalamiga ah, ka dib markii Koobka Qaramada Ameerica uu ku tilmaay mid musuqmaasuq daashaday.

Weeraryahankan Barcelona u dheela ayaa kaarka casaanka loo taagay cayaartii dhexmartay iyaga Chile, taas oo 2-1 ay Argentina ku guuleysatay balse Messi ayaa markii dambe yiri '' koobka Brazil ayaa iska leh''

32 jirkan ayaa waxaa sidoo kale xiriirka kubadda cagta ee koonfurta Amerika ay ku ganaaxeen lacag dhan 50 oo doolar.

Messi ayaa haatan haysta toddobo maalmood oo uu racfaan kaga qaadan karo go'aanka looga mamnuucayo cayaaraha.

Mamnuuciiddan ayaa waxay sababaysaa in Messi uusan ka qeyb galin cayaaraha saaxibtimimada ee ay Argentina la dheeli doonto Chile, Mexico iyo Jarmalka, kulamadaasi oo la cayaari doono bilaha September iyo October.

Ka dib kulankii nus-dhamaadka ee Brazil 2-0 kaga badisay Argentina, ayay Xiriirka Kubadda Cagta ee Argentina ka anadacoodeen khaladaad dhanka garsoorka ah.

Balse baaritaan ka dib ayaa la sheegay in eedeymahaasi su'aasha galiyay sharfta Koobka Qaramada America ay yihiin waxaba kama jiraan.

Ka dib markii Messi uu daqiiqaddii 37-aad la siiyay kaarka casaanka ah ayuu yiri:

"Ma ahan in aanu ka sii mid ahaano musuq-maasuqan, waxay inoo muujiyeen xushmad darro intii uu tartankaan socday".

"Waa nasiib darro, musuqmaasuq iyo garsooreyaasha in ay dadka ay u ogolaan waayaan in ay raaxaystaan kubadda cagta", ayuu yiri Messi.