Seychelles Oo Somaliland Ku Eedaysay Inay Jabisay Heshiis Ay Kala Gaadhay Maxaabiista La Cafiyey Ee Badhcad

0
Saturday August 03, 2019 - 09:35:34 in by salman abdi
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Seychelles Oo Somaliland Ku Eedaysay Inay Jabisay Heshiis Ay Kala Gaadhay Maxaabiista La Cafiyey Ee Badhcad

    Seychelles Oo Somaliland Ku Eedaysay Inay Jabisay Heshiis Ay Kala Gaadhay Maxaabiista La Cafiyey Ee Badhcad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Seychelles Oo Somaliland Ku Eedaysay Inay Jabisay Heshiis Ay Kala Gaadhay Maxaabiista La Cafiyey Ee Badhcad

Wadanka Seychelles ayaa ganafka ku dhuftay go’aanka ay somaliland ku saamaxday 19 maxbuus oo lagu xukumay falal budhcad badeednimo ah.


 

 

War ka soo baxay waaxda arimaha badaha ee wasaarada arimaha dibada Seychelles oo ay baahisay wakaalada wararka ee wadankasi ayaa lagu sheegay inay layaab ku noqotay talaabada ay somaliland xoriyadooda ugu fasaxday maxaabiistan badhcad badeednimada ku xukunaa.



 

Dawlada Seychelles ayaa sheegtay in talaabadani ka hor imanayso heshiis hore u dhexmaray somaliland kaas oo ku saabsanaa maxaabiista badhcad badeednimada lagu xukumay ee loo soo wareejiyey xabsiga ugu weyn somaliland ee Hargeysa.


Dawlada Seychelles ayaa warka ay soo saartay waxay ku sheegtay in maxaabiistani ay ku xukunaayeen xabsi u dhaxeeye 30,36 ilaa 42 sanadood.


Warka ka soo baxay dawlada Seychelles ayaa lagu yidhi "Seychelles waxay dhaleecaynaysaa talaabada lagu sii daayey 19 maxbuus oo badhcad badeednimo lagu xukumay loona gudbiyey soomaaliland si ay u dhamaystaan xukunka ku dhacay oo u dhaxeeyey 30,36 ilaa 42.”


Seychelles oo warka ay soo saartay kaga hadlaysa heshiiskii ay somaliland la gaadhay ee lagu soo wareejiyey maxaabiistan ayaa tidhi "sanadkii 2011 labada wadan waxay saxeexeen heshiis isfaham oo la xidhiidhay iswaydaarsiga maxaabiis xukuman, sanadkii 2012 maxaabiis gaadhaya 19 ayaanu ku wareejinay hay’addaha maamula xabsiyada somaliland si ay u dhamaystaan xukunka ku dhacay.”


Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay in dawlada Seychelles ay la yaabtay sii daynta maxaabiistaan " Shaacinta sii daynta maxaabiistu waxay nagu noqotay la yaab sababtoo ah waa ficil la qaaday iyada oo aan waxba nalaga ogaysiin.”


Dhinaca kale Seychelles waxay sheegtay in talaabadaasi ka hor imanayso heshiiskii ay hore ula gaadheen somaliland " Talaabadani waxay ka soo horjeeda heshiiskii isfaham ee aanu la saxeexanay somaliland.”