Maamulka Puntland Oo Shaaciyey Diyaarad Ay Ka Mamnuuceen Garoomadooda

0
Monday August 05, 2019 - 15:52:02 in by salman abdi
  • Visits: 390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland Oo Shaaciyey Diyaarad Ay Ka Mamnuuceen Garoomadooda

    Maamulka Puntland Oo Shaaciyey Diyaarad Ay Ka Mamnuuceen Garoomadooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland Oo Shaaciyey Diyaarad Ay Ka Mamnuuceen Garoomadooda

Puntland ayaa soo saartay amar ay degaanadeeda kaga mamnuuceyso mid ka mid ah Shirkaddaha Duulimaadka Soomaaliya waxaana lagu badalay Shirkad kale oo duulimaad islamarkaana laga leeyahay dalka Itoobiya.


 

Waaxda Socdaalka Puntland ayaa lagu wareejiyay amar iyo wargelin ka dhan ah Shirkadda Duulimaadka Daallo Airline oo kamid ah Shirkadaha Soomaalida kuwoodii ugu horreeyay ee dalka ka shaqeeyay bur burkii kadib ilaa hadda.

Shirkadaan ayaa waxaa iskaleh Madadxweynihii hore ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ,oo markiisii hore ahaa Ganacsade Soomaaliyeed, sidoo kalane ku jira Arimaha Siyaasadda dalka.


Waaxda Socdaalka Puntland ayaa lagu wargeliyay in degaanada maamulkaasi aysan ka soo dagi karin Shirkadda Diyaaradda ee Daallo Airline islamarkaana ay Xogtaan la wadaagaan maamulka Shirkadda iyo Garoomada diyaaradaha dalka ee ka soo baxayso diyaaradaasi.


Dhinaca kale Puntland waxaa dhowaan degaanadeeda ka shaqa billawday Shirkadda Duulimaadka ee Ethiopian Airlines, taas oo muddooyinkii ugu dambeeyay waday dhaq dhaqaaq iyo tartan ganacsi ay la galeyso Shirkadaha Duulimaadka Soomaaliya.


Sababta ugu weyn ee Daallo Airline looga mamnuucay degaanada Maamulka Puntland ayaa la aaminsan yahay in ay tahay kadib markii lagu eedeeyay in ay Muqdisho ka abaabushay kulan ka dhan ah Shirkadda Ethiopian Airlines oo duulimaad Local ah ka bilaawday dalka.


Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Shirkadda Daallo Airline oo ku aadan go’aanka degaanada maamulka Puntland looga mamnucay, waxaase Xusid mudan in Shirkadaan uu Diyaaradaha uu leeyahay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ay saaxiibo dhow yihiin Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.