
Xaaf oo sheegay in uu ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay u tartamida doorashadda madaxtinimada maamulka Galmudug,islamarkaana uusan ka mid noqon doonin musharaxiinta.
‘’Waxaan cadeynayaa in aan ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug, ciddii ay doonaan ha doorteen, laakiin waxaan kula dardaarmayaa in qofka la doorto lala shaqeeyo’’ ayuu yiri madaxweyne Xaaf.
Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa soo baxayay warar sheegaya in Xaaf uu ka mid noqonayo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug doorashada dhawaan la filayo in ay dhacdo.
Khaliif muddo dheer soo jiimayay kaddib Xaaf ayaa heshiis la galay dowladda Soomaaliya wixii xiligaa ka danbeeyayna waxaa uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Xaaf oo sheegay in uu ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug
Xaaf oo sheegay in uu ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug