Wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne Biixi oo isku arkay dalka Saudi Arabia Share

0
Tuesday August 13, 2019 - 09:46:33 in by salman abdi
  • Visits: 325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne Biixi oo isku arkay dalka Saudi Arabia Share

    Wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne Biixi oo isku arkay dalka Saudi Arabia Share

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne Biixi oo isku arkay dalka Saudi Arabia Share

Magaalada Mina ee dalka Boqortooyada Saudi Arabia kulan is arag ah oo aan horey loo sii qorsheyn ku yeeshay Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo halkaa u wada joogay gudashada Acmaasha Xajka.

 

 

Dhinaca madaxweynaha Somaliland waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin iyo Xubno kale, halka dhinaca kale Wasiirradda xukuumadda Soomaaliya ee kulanka ka soo muuqday ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan, Wasiiro dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/llaahi Xaamud.

 

Baraha bulshada ayaa la soo dhigay sawir ay wada jir u galleen labada dhinac

Wasiiru-dowlaha xafiiska ra’iisal wasaaraha Cabdullahi Xaamud ayaa sheegay in ay faraxad weyn u aheyd dhankooda in ay arkaan madaxweynaha Somaliland oo ku tilmaamay in uu yahay qof waayo arag ah oo garanaya ayuu yiri qiimaha aynu isku leenahay kaddib qoraal kooban oo uu soo dhigay bartihiisa Facebook –ga

Kulankan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirrada ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay isku arkaan labada dhinac.