Xildhibaannada cusub ee Jubbaland oo la dhaariyay

0
Tuesday August 13, 2019 - 17:41:51 in by salman abdi
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaannada cusub ee Jubbaland oo la dhaariyay

    Xildhibaannada cusub ee Jubbaland oo la dhaariyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada cusub ee Jubbaland oo la dhaariyay

Magaalada Kismaayo goor dhaw waxaa lagu soo gabagabeeyay dhaarinta xildhibaannada cusub oo ay xalay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

 

 

 
lagu dhaarinayay xildhibaannada waxaa ku sugnaa xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee waqtigiisu dhamaaday ee Jubbaland , Odoyaasha Dhaqanka Jubbaland ,ee soo Xulay xildhibaannada,Dhamaan Guddiga madaxa Banaan ee Doorashooyinka Jubbaland ,Ururrada Bulshada rayidka iyo aqoonyahanada deegaannada Jubbaland.

 

 

Xildhibaannada waxaa goobta ku dhaariyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Jubbaland,

Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland ayaa waxaa maalmaha soo socda ay guda geli doonaan doorashada Guddoonkooda iyo doorashada Madaxweynaha Afarta sano ee soo socota maamul doona Maamulka Jubbaland.

Dhaarinta xildhibaannada cusub ayaa imaneysa xili isla maanta Kismaayo looga dhawaaqayo liiska xildhibaanno kale oo ay soo saareen guddi ay kol hore magacaabeen musharixiinta Isbdal doonta ee ka soo horjeeda guddiga uu magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe.