Soomaali Lagu Boobay Koonfur Afrika

0
Thursday August 15, 2019 - 10:16:13 in by salman abdi
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaali Lagu Boobay Koonfur Afrika

    Soomaali Lagu Boobay Koonfur Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaali Lagu Boobay Koonfur Afrika Warar aan ka helnay deegaanka Soweto ee magaalada Johannesburgee dalka Konfur Afrika
ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay ilaa xalay, halkaasi boob,dhac iyo dhawacaba, loogu geeystay Soomaalida ganacsatada ah,waxaa boob loo geestay boqolaal dukaan, sida uu BBC sheegay Cabdixakiim Biif oo ku sugan halkaas.

 

Arrintan ayaa la sheegay inay ka dhalatay kadib markii ay isku dhaceen ganacsade iyo macamiilkiisa isla markaasna ay ka caroodeen dadka degaanka.

 

Cabdixakiin Ibraahim oo ku magac dheer Cabdixakiin Biif,oo dhacdadaasi uga waramay BBC-da ayaa sheegay inuu arkay, Soomaali iyo Itoobiyaan ganacsato ah uu dhaawac kasoo gaaray iska hor imaadkaas.

‘’waxaa bililiqo loo geeystay dhaamaan dukaanadoodi iyagoo ay geesteen dadka u dhashay deegaankaa” ayuu yiri CabdiXakiin

 

Waxaa dalka Koonfur Afrika horey uga dhacay dhacdooyin noocan ah oo ku saleysan ajaanib naceybka oo ay dad badan dhibaato kasoo gaartay.