Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada Jubbaland

0
Thursday August 15, 2019 - 10:20:44 in by salman abdi
  • Visits: 335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada Jubbaland

    Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada Jubbaland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada Jubbaland

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay ay halkaa ka soconayeen kulamo la doonayay in lagu xaliyo xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay doorashada.

 

 

Kulamada ayaa gaar ahan lagu waramayaa in ay u dhaxeeyeen madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Madoobe iyo saraakiil ka soctay howlgalka midowga Africa, balse lama sheegin wax natiijo ah oo ka soo baxay kulamadan, iyadoo warar hoose sheegayaan in dhamaanba leysku afgaran waayay qoddobadii laga wada hadlay.

 

Maanta ayaa la filayaa in Baarlamaanka cusub ee Jubbaland uu dhageysto khudbadaha musharixiinta guddoonka Baarlamaanka cusub, iyadoo wixii xiligaa ka danbeeyay la guda-gali doono qabanqaabada doorashada madaxweynaha.

Maalintii shalay waxaa Kismaayo gaaray wafdi xildhibaanno ah oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo sheegay in ay goobjoogu u noqonayaan doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo tan madaxweynaha waxaana ay amaaneen sida ay howshuhu u socto,