Masuulkii Sadexaad Ee Ka Tirsan Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadlay Kulankii Ay Madaxweyne Muuse Kula Yeesheen Xajka

0
Thursday August 15, 2019 - 10:20:44 in by salman abdi
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuulkii Sadexaad Ee Ka Tirsan Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadlay Kulankii Ay Madaxweyne Muuse Kula Yeesheen Xajka

    Masuulkii Sadexaad Ee Ka Tirsan Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadlay Kulankii Ay Madaxweyne Muuse Kula Yeesheen Xajka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuulkii Sadexaad Ee Ka Tirsan Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadlay Kulankii Ay Madaxweyne Muuse Kula Yeesheen Xajka

Madaxweynaha Dawladda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Mina ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.


 



 

Kulankan ayaa waxaa Madaxweyne Biixi ku wehelinayey wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin iyo xubno kale, halka wasiirada ka socday xukuumadda federaalka Soomaaliya ee ay is arkeen ay kala yihiin wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Ciise Cawad, wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Kaluumeysiga Cabdullaahi Bidhaan iyo wasiiro dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud.


Mas’uuliyiintan oo Sacuudiga uu jooga gudasha waajibaadka Xajka ayaa waxa ay isla soo qaadeen xidhiidhka iyo walaaltinimada labada dhinac.

Wasiiro dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay muhiimada Kulankaasi.


Xaamud ayaa sheegay inay sharaf u aheyd inay la kulmaan Madaxweynaha Somaliland. "Sharaf ayeey ii ahayd in aan xalay la qaxweeyno Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Madaxweyne Biixi waa nin waayo arag ah, yaqaanana qiimaha aynu isu leenahay, aadna u qaddariya rayiga walaaltinimo.


Fadliga maalmahan barakaysan, iyo dhulkan barakaysan awgiis Allow kulankeena ka yeel mid barakeysan.”ayuu yiri Cabdullaahi Xaamud.


Kulankan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe xurguf siyaasadeed ay u dhexeysay Soomaaliya iyo Somaliland.