Maxay tahay sababta Ilhaan Cumar iyo Rashiida looga mamnuucay inay booqdaan Israa'iil

0
Friday August 16, 2019 - 10:04:26 in by salman abdi
  • Visits: 454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay tahay sababta Ilhaan Cumar iyo Rashiida looga mamnuucay inay booqdaan Israa'iil

    dhinacyada Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa in ay ka fogaadaan gacan ka hadal"Beesha Caalamka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dhinacyada Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa in ay ka fogaadaan gacan ka hadal"Beesha Caalamka

Israa'iil waxay xayiraad kusoo rogtay labo gabdhood oo ka tirsan aqalka Kongareska dalka Mareykanka kuwaas oo si weyn u dhaleeceen jiray Israa'iil, waxaana laga mamnuucay inay booqasho ku tegi karaan Israa'iil.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Dhaalib ayaa lagu waday toddobadka soo socda inay booqasho ku tegaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed iyo bariga magaalada Qudus.

Labadan gabdhood ee ka wada tirsan aqalka Kongareska ayaa taageeray tallaabo cunaqabateyn lagu saarayo Israa'iil balse sharciga Israa'iil ayaa ogolanayaa in tageerayasha ololahaas in laga mamnuuci karo inay booqasho ku tegi karaan Israa'iil.

Madaxweyne Trump ayaa horraan ku baaqay in labadan xildhibaan laga mamnuuco inay booqdaan Israa'iil isla markaasna ay neceb yihiin Israa'iil iyo dadka Yuhuudda.

Ilhaan Cumar waxay ku tilmaantay tallaabada Israa'iil 'Inay ku tumaneyso mabaadii'da dimuqraadiyadda, waana jawaab laga naxo in saraakiil ka tirsan dowladda in laga mamnuuco inay booqasho ku tegaan dal saaxib la ah"


Trump waxaa uu sheegay in khalad weyn ay tahay waa haddii Ilhaan Cumar iyo Rashid Taib loo ogolaado inay booqdaan Israa'iil.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Dhaalib waxay labaduba ay ka wada taageersanyihiin qadiyadda reer Falastiin, waxaa ay kasoo horjeedaan Israa'iil balse waxay beeniyeen inay neceb yihiin dadka Yuhuudda.

Rashiida waxay qorsheyneysay inay booqato ayeeydeed oo ku nool maamulka Falastiin.

Rashiida waxay qorsheyneysay inay booqato ayeeydeed oo ku nool FalastiinLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionRashiida waxay qorsheyneysay inay booqato ayeeydeed oo ku nool Falastiin

Sharciga Israa'iil waxaa uu dhigaya in dal ku-galka aanan la siin karin qof kasta oo shisheeye ah oo wado olole looga soo horjeedo Israa'iil ha ahaato mid dhaqaale, dhaqan ama waxbarasho.

Waxay qorsheynayeen inay booqdaan Israa'iil, sidoo kalena ay la kulmaan ururada u doodo Falastiin.