Waa laga sii war hayay qorshaha dadka maanta la toogtay
Waa laga sii war hayay qorshaha dadka maanta la toogtay
Wuxuu sheegay in laamaha Amniga ka sii war hayeen qorshaha ay doonayeen in ay ku dilaan agaasime waaxeedka ka tirsanaa Wasaaradda Waxbarashada Cabdi Garre.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay afar ruux toogasho lagu dilay maanta.
'' Qorshahoodu wuxuu ahaa marka laga soo baxo salaada Jimcaha in ay toogasho ku dileen agaasimaha, laakiin ciidamada ayaa goobta ugu sii diyaar-garoobay markii ay ogaadeen in qorshahoodii fashilmay waxaa ay bilaaben in ay dagaalamaan, goobta ayaa lagu toogtay saddexii ragga ahaa qof dumar ah oo caawineysay.'' ayuu yiri Tuulax
Goobta uu howlgalka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolkan Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuux iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Waa laga sii war hayay qorshaha dadka maanta la toogtay
Waa laga sii war hayay qorshaha dadka maanta la toogtay