Shirkii dib-u-heshiisiinta ee maanta ka furmi lahaa Dhuusa-Mareeb oo mar kale dib u dhacay

0
Saturday August 17, 2019 - 08:47:12 in by salman abdi
  • Visits: 335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii dib-u-heshiisiinta ee maanta ka furmi lahaa Dhuusa-Mareeb oo mar kale dib u dhacay

    Shirkii dib-u-heshiisiinta ee maanta ka furmi lahaa Dhuusa-Mareeb oo mar kale dib u dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii dib-u-heshiisiinta ee maanta ka furmi lahaa Dhuusa-Mareeb oo mar kale dib u dhacay

Maanta ayuu qorshuhu ahaa in magaalada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud uu ka furmo shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug, hasse ahaatee shirkaa ayaa dib u dhacay markii labaad.

 

 

Guddiga doorashada oo maalintii shalay sheegay in dhamaanba soo idlaadeen howlihii qaban qaabada shirka iyo Liiska ergooyinka, ayaa mar kale haddana sheegay in shirkaasi uusan furmi karin maanta sababo dhinaca farsamada ah oo laakiin aan la faah faahin.

 

 

Beelaha Galmudug qaarkood ayaa wali kasoo horjeedda Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug, waxaana Guddiga ay waddeen maalmihii ugu dambeeyay dadaallo kala duwan oo ku aadan qabashadda Shirka.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha Galmudug ayaa dhaliil xoog leh u jeediya guddiga qabanqaabada shirka Dhuusa-Mareeb iyaga oo ku eedeeyay deg deg iyo in wax walba lgu soo dhameeyo maalmo kooban, madaama ayeey sheegeen dib u heshiisiintu u baahan tahay in waqti la galiyo.