Weerar lagu qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Bariirre
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab xalay ku dhexmaray deegaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Ciidamada dowladda ayaa dhawaan Al-shabaab kala wareegay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka, gaar ahaan degmada Awdheegle iyo deegaanno hoostaga.
Taliyaha Ciidamada Lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda,isla markaana ay uga dileen in ka badan 20 dagaal yahan.
"Waxaan xaqiijineynaa in aan khasaaro badan gaarsiinay Al-Shabaab, 20 ka tirsan ayaa ciidamada dowladda ku dileen duleedka Bariire, kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan saldhiga ciidamada ee Bariire ayuu yiri Janeraal Odawaaā€¯.
Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab,waxaana wararka aan saakay soo baxaya sheegayaan in ciidamada Dowladda ay duleedka Bariirre ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.
Weerar lagu qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Bariirre
Weerar lagu qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Bariirre