Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar oo labo qodob kala hadlay Ra'iisul wasaare Khayre

0
Monday August 19, 2019 - 14:44:58 in by salman abdi
  • Visits: 565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar oo labo qodob kala hadlay Ra'iisul wasaare Khayre

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar oo labo qodob kala hadlay Ra'iisul wasaare Khayre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar oo labo qodob kala hadlay Ra'iisul wasaare Khayre
Wafdigii ugu heerka sarreeyay ee ka socda dowladda Qatar ayaa maanta soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wafdiga waxaa hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, waxaana qayb ka ah Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti.

 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo xubna ka tirsan golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay wafdiga ka socda Qatar ee booqashada ku yimid magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku yeeshay kulan ay uga wada hadleen adkeynta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo dardar gelinta mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya.

Ma jirto faahfaahin inta ka badan oo la bixiyay kullanka, oo ku soo aadday xilli uu xooggeystay xiriirka ka dhexeeya labada dal, tan iyo markii ay Soomaaliya ka mid noqotay dalal fara-ku tiris ah oo dhex dhexaad ka noqday xiisada khaliifka ee dhalisay in cunaqabateyn la saaro dalka Qatar.