Caalamka:-Ururka Kubada Cagta Wadamada Aan La Aqoonsan Ee Conifa Oo Shaaciyey Go'aan Ka Dhan Ah Somaliland

0
Tuesday August 20, 2019 - 16:03:09 in by salman abdi
  • Visits: 444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Ururka Kubada Cagta Wadamada Aan La Aqoonsan Ee Conifa Oo Shaaciyey Go'aan Ka Dhan Ah Somaliland

    Caalamka:-Ururka Kubada Cagta Wadamada Aan La Aqoonsan Ee Conifa Oo Shaaciyey Go'aan Ka Dhan Ah Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Ururka Kubada Cagta Wadamada Aan La Aqoonsan Ee Conifa Oo Shaaciyey Go'aan Ka Dhan Ah Somaliland

Xidhiidhka kubada cagta wadamada aan la aqoonsan ee loo yaqaano Conifa ayaa shaaca ka qaaday inaan somaliland lagu qabanayn tartanka wadamada aan aqoonsiga ka haysan caalamka oo la qabanayo 2020.


War lagu baahiyey boga internetka ee ururkaas ayaa lagu sheegay in guddi qiimayn ah oo loo soo diray somaliland ay soo gudbiyeen inaanay wakhtigan suuragal ahayn in tartanka sanadka 2020 lagu qabto somaliland.


 

Ururka Conifa ayaa go’aankan ku sababaysay arimo farsamo iyo qaar la xidhiidha awooda ay somaliland u leedahay inay martageliso tartankaasi.


Warka ka soo baxay ururka Conifa ayaa lagu yidhi "Anaga oo ka xun inaanu ku dhawaaqno go’aankana hadana waxaanu shaacinaynaa in koobka 2020 loo qabanayo wadamada aan la aqoonsanayn aan lagu qabin Karin somaliland.”


Ururka Conifa ayaa sidoo kale cadeeyey sababaha keenay inay go’aankan qaataan waxaana warku intaas raaciyey "Waxa jira arimo farsamo iyo qodobo kale oo aan saamaxayn in somaliland lagu qabto tartankan qorshaysan sanadka 2020, waxaanan hada raadinaynaa wadankii lagu qaban lahaa.”ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay ururka Conifa.