Wasiir Faratoon Oo Sheegay Inuu Mararka Qaar Weji Gabax Kala Kulmo Xogta Is Khilaafsan Ee Somaliland

0
Monday August 26, 2019 - 08:20:59 in by salman abdi
  • Visits: 459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Faratoon Oo Sheegay Inuu Mararka Qaar Weji Gabax Kala Kulmo Xogta Is Khilaafsan Ee Somaliland

    Wasiir Faratoon Oo Sheegay Inuu Mararka Qaar Weji Gabax Kala Kulmo Xogta Is Khilaafsan Ee Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Faratoon Oo Sheegay Inuu Mararka Qaar Weji Gabax Kala Kulmo Xogta Is Khilaafsan Ee Somaliland

Wasiirka arimaha dibda ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay in xogta qaranka Somaliland ee kala duwan ay tahay mid aan isku habaysanayn oo is burinaysa taasina ay sababtay wajigabax marar badan masuuliyiinta xukuumada ay kala kulamaan dadka ajaanibka ah ee ay u sharaxayaan xogta dalka. Wasiirka oo dalka ku soo laabta oo furaayay shirka midaynta xogta guud ee dalka oo ay ka soo xaadireen

wasiiro,agaasimayaal,aqoonyahan iyo haldoor kale waxa uu si aad u saraysa u sharaxay sida logu baahan yahay in Somaliland ay yeelato xog midaysan, waxaanu isaga oo shirkaas furaayay uu yidhi "Mawduuca aan maanta halkan u fadhino dawladu waxay g’aamisay mudadii aan maqnaa waa mawduuc aad iyo aad loogu baahnaa oo aan dawlada aad ugu bogaadinaayo in fikradan la soo gudbiyo oo la go’aamiyay in la hirgaliyo, waa arin loo baahan yahay waa arin qof kasta oo dawladeena ka mid ah dhibaatooyinka inaga haysta uu la kulmaayay oo aynaan xog midaysan lahayn, mar walba waxaad la kulmaysay waxyaabo is burinaaya oo aan is waafaqsanayan oo dalkeena ku saabsan ama ha noqto caalamka kale markaan la shirayno ama xogta aan u gudbinayno ama sida aynu dalkeena uga warbixinayno oo runtii uu waji gabax badani kaala kulmaayo sida ay u jirto, shirkani waxa uu ku saabsan yahay inaan isku baraarujino iskuna tilmaamno sidii loo ururin lahaa xog midaysan oo dalkeenu uu leeyahay.”