In ka badan lixdan ruux oo ku dhimatay daadad ka dhacay Suudaan
Roobab iyo daadad ayaa 62 ruux ku dilay dalka Suudaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda.
Roobab mahiigaanno ah ayaa ka da'ayay Suudaan tan iyo billawgii bishii Luulyo, arrintaas oo saamaysay qiyaastii 200,000 oo ku kala sugan 15 gobol. Gobolka White Nile ee ku yaalla koonfurta dalkaas ayay waxyeellada ugu badan gaartay.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 37,000 oo guri ay burbureen ama waxyeello soo gaartay iyadoo la filayo in daadad hor leh dhacaan.
Wakhti roobaadka ayaa socda tan iyo dhammaadka bisha Oktoobar.
Lahaanshaha sawirkaEPA
Image captionGurigan oo ku yaalla Wad Ramli oo 75km dhanka waqooyi ka xigta magaalada caasimadda ah ayay daadadku burburiyeen maalmo ka horLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionQaar ka mid ah shacabka magaalada Wad Ramli oo ku soo laabanaya doon si ay isugu dayaan in ay dabo qabtaan wixii ka soo haray hantidoodaLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionWixii ay tabar u heleen ayay geeyeen dhulka ingaganLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionQaarkood alaabadii u badbaaday ayay saarteen gawaraadida xamuulka qaadaLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionMagaalada Geli ayaa ka mid ah magaalooyinka kale ee waxyeelada badan ay ka soo gaartay daadadkii ku dhuftayLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionDadka guryahoodii ay ku burbureen Wad Ramli ayaa xero loo dhisayLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionBiyo ayaa wali ku jira qaybo ka mid ah magaalada
Dhammaan sawirradan xaquuqdoodu way dhawran tahay.
In ka badan lixdan ruux oo ku dhimatay daadad ka dhacay Suudaan
In ka badan lixdan ruux oo ku dhimatay daadad ka dhacay Suudaan