Madaxweynaha Somaliland Oo Hambalyo U Diray Shacab Waynaha Somaliland Curashada Sanadka Islamika.

0
Saturday August 31, 2019 - 11:05:57 in by salman abdi
  • Visits: 458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Hambalyo U Diray Shacab Waynaha Somaliland Curashada Sanadka Islamika.

    Madaxweynaha Somaliland Oo Hambalyo U Diray Shacab Waynaha Somaliland Curashada Sanadka Islamika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Oo Hambalyo U Diray Shacab Waynaha Somaliland Curashada Sanadka Islamika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda Sannadka cusub ee Islaamka ee 1441-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducabHara u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan.

Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taasi la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan beri oo Sabti ah.

Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Ugu dambayna waxa uu madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu baaqayaa in ay nabad-gelyada iyo qarannimada dalka ilaashadaan meelna uga soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan cadawgooda, shacbi iyo xukuumadna isku duubnaadaan.

Kullu Caam Wa Antum Bikhayr

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.